Man United Oo Fasaxa Coronavirus Uga Faa’iidaysanaysa In Ay Kooxaha Yurub Ku Garaacday Saxiixa Jude Bellingham-Waa Kuma Bellingham?



Manchester United ayaa inta lagu jiro fasaxa saamaynta coronavirus waxay uga faa’iidaysanaysaa sidii ay da’yarka kooxaha badan ee Yurub doonayaan ee Jude Bellingham ay ugu qancin lahayd in uu doorto Old Trafford.

Wariyaha caanka ah ee James Cooper oo ka hawl gala Sky Sports ayaa shaaciyay in Man United ay hadda ku mashquulsan tahay sidii ay ula soo saxiixan lahayd da’yarka kooxda Birmingham ee Jude Bellingham kaas oo ay kooxo badani xiisaynayaan.

Khabiirka Sky Sports ee James Cooper ayaa xaqiijiyay in maamulka kooxda Man United ay hadda ka shaqaynayaan in ay la soo saxiixdaan da’yarka sida wayn loo qiimeeyo ee Jude Bellingham isaga oo cadeeyay in ay u arkaan in waxyaabihii ay soo qabteen iyo qiimayntii ay sameeyeen ay meel mari doonto.

James Cooper oo ka hadlaya xiisaha Man United ee Jude Bellingham ayaa yidhi: “Rajadu waxay tahay in shaqada qiimayntii suuqa iyo waxyaabihii daaha gadaashiisa ka dhacay ay da’yarkan ku qancin doonaan in Manchester United ay tahay goobta isaga ku haboon, khaas ahaan marka lagu lamaaneeyo wixii uu da’yarkani u soo maray kooxda kowaad”.

Waa Kuma Xidiga Ay Man United Doonayso Ee Jude Bellingham?

Jude Bellingham waa da’yar u dhashay dalka Ingiriiska wuxuuna ka tirsan yahay kooxda horyaalka heerka labaad ee Birmingham City wuxuuna soo sameeyay taariikh aan kooxdan hore looga diwaan galin.

Jude Bellingham waa 16 sano jir kooxaha Yurub ku soo jiitay wax qabadkii uu ka soo sameeyay kooxdiisa Birmingham City wuxuuna hadda noqday bartilmaameed ay United doonayso in ay kooxaha Yurub uga dheerayso.

Bishii August ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019 kii waxa uu Jude Bellingham  noqday xidigii taariikhda kooxda Birmingham ugu horeeyay ee kooxda kowaad ka soo muuqday isaga oo 16 sano jir ah, wuxuuna tan ku helay tayada uu isaga oo carruur ah muujiyay.

Jude Bellingham waxa uu ka ciyaaraa khadka dhexe wuxuuna hadda qabtay indhaha kooxaha Yurub ugu waa wayn iyada oo Man United doonaysa in waqtiga fasaxa saamaynta coronavirus ay da’yarkan waqti siiyaan si ay ula soo saxiixan karaan.

Si kastaba ha ahaatee, saamaynta uu Jude Bellingham ku muujiyay isaga oo 16 sano jir ah ayaa Man United ku qasbaysa in ay la soo saxiixato si ayna kooxaha Yurub ee kale uga hor qaadin.


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR