Man United Oo Go,aan Ka Gaadhay Waxa Ku Dhici Doona Ole Gunnar Solskjaer Hadii ay Liverpool Garaacdo Red Devils Todobaadka Dambe.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaan waayi doonin shaqadiisa tababaranimo ee Man United xitaa hadii ay kooxdiisu guuldaro culus kala kulanto kooxda Liverpool todobaadka dambe.

Man United ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan waxana uu cadaadis xoogan saaran yahay tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer.

Kadib 8 kulan oo premier League United ayaa kaliya guul gaadhay 2 kulan waxana ay haatan ku jiraan kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga iyaga oo kaliya hal dhibic ka sareeya booska looga hadho premier League.

Kooxda Man United oo 20 jeer ku guulaystay horyaalka premier league ayaa 15 dhibcood ka dambaysa kooxda Liverpool oo raadinaya in ay ku guulaystay premier League markii ugu horaysay muddo 30 sano ah.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay maamulka Man United tababare Ole Gunnar Solskjaer u sheegeen in ay shaqadiisu Amaan u tahay xitaa hadii ay guuldaro weyn kala kulmaan kooxda Liverpool todobaadyada soo socda.

Man United ayaa marti galin doonta Liverpool 20-ka bisha October iyada oo Reds ku jirto qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo dhamaan wada badiyay kulamadii ay ciyaareen premier league.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR