Man United Oo HESHIIS La Gaadhay Saxeexeeda Ugu Horreeya Ee Suuqa January & Solskjaer Oo Ololaha Uu Shaqadiisa Ku Badbaadsanayo Bilaabay.


Kooxda horyaalka Premier League xaalada adag kaga jirta ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay saxeexeeda ugu horreeya ee ay doonayso inay safkeeda kusoo xoojiso suuqa bisha January.

Ciyaartoygaas ayaa ah weeraryahanka kooxda Juventus ee Mario Mandzukic kaas oo tan iyo suuqii xagaagan lala xidhiidhinayay inuu usoo wareegi doono Old Trafford balse uusan wakhtigaas heshiiskiisu suurogalin.

Image result for Mandzukic 2019

Red Devils ayay dhibaatadooda haatani tahay mid dhinaca weerarka ah iyagoo ay xataa kulamada qaar kusoo adkaatay inay hal darbo ku bar-tilmaameedsadaan goolka kooxda kasoo horjeeda.

Mid kamida qaladaadka ay sameeyeen tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo madaxda sarre ee kooxdiisu ayaa loo arkaa inay ahayd inay xagaagii dhawaa kooxda ka direen Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez iyaga oo aan bedelkooda lasoo saxeexan.

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu haatan wargeyska TuttoSport ee ree Talyaani sheegayaa in 33 sano jirkan iyo Man United ay gaadheen heshiis uu ugu soo biiri doono kooxdooda suuqa January.

Dhawaan ayay ahayd markii saxaafada England ay sheegeen in tababare Solskjaer uu siyaasadii suuqa ee uu lahaa ee ahayd inuu lasoo wareego kaliya ciyaartoy da’yar uu u jabin doono Mandzukic oo uu u arko mid xal u noqon kara dhibaatadiisa weerar.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR