Man United Oo Loo Soo Bandhigay Weeraryahan Halis Ah

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay in loo soo bandhigay saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Edison Cavani dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay xor ugu helaan.

32 jirkan ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda PSG Ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda isaga oo ka dambeeya xiddiga Mauro Icardi.

Xiddiga reer Uruguay ayaa xor noqon doona dhamaaadka xilli ciyaareedkan waxana la fahamsan yahay in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda Paris

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ayna kooxda PSG Cavani u ogolaan doonin in uu bisha January ka tago kooxda laakiin diyaar u yihiin in ay xor ku fasaxaan xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in Wakiilka xiddigu Man United u soo bandhigay in ay si xor ah ku helaan xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR