Man United oo shaaca ka qaaday cayaaryahankeeda ugu xawaaraha sareeyay 2017/18

Kooxda Man United ayaa shaaca ka qaaday in Romelu Lukaku u yahay cayaaryahankii ugu xawaaraha sareeyay kooxda xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday 2017/18.

Romelu Lukaku kulankii Chelsea ay Man United guusha ka qaadateen bishii Febraayo wuxuu orday 34.84 kilometer per hour!

Taasi oo xaqiijisay inuu yahay cayaaryahanka ugu xawaaraha sareeyo dhamaan xidigaha garoonka Old Trafford ku sugan.

Inkastoo Man United ay joogaan xidigo orod badan sida Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Alexis Sanchez  hadana Lukaku ayaa dhamaantooda ka xawaare dheereeyay sida Man United xaqiijisay.

Warbixintaan United ku xaqiijisay xidigeedii ugu xawaaraha badan inuu Lukaku yahay hoos ka eeg sida Twitter-ka Man United lagu soo daabacay:

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR