Man United Oo Ugu Dambayn Hogaanka U Qabatay Premeir League, Goorma Ayaa Ugu Dambaysay In Ay Sidaas Samayso?

Kooxda Man United ayaa si buuxda ula wareegtay hogaanka horyaalka premier League kadib gushii ay ka gaadheen kooxda Burnley kulan baaqi u ahaa Premier League.

Gool uu dhaliyay Paul Pogba daqiiqadii 70-aad ayaa Man United kaga filnaaday in ay 3 dhibcood oo cadaan ah ku qabato horyaalka prmeier League.

Kadib guushaas Kooxda Man United ayaa boodhka ka jaftay shaqo ay qabatay 9 sano ka hor horyaalka Premier League.

Kooxda Man United ayaa maalinta ku dhamaystay iyaga oo hogaanka u haya Premier Leageu markii ugu horaysay tan ilaa maalintii ugu dambaysay Sir Alex Ferguson xilli ciyaareedkii 2012/2013 markaas oo ay ku guulaysteen horyaalka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR