Man United warkeeda waa cad yahay saxiixa Neymar inay Real Madrid ku garaacaan ayay rabaan

 

Cayaaryahan Neymar bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa lala xariirinaayay kooxda Real Madrid sidoo kalena waxaa la aaminsan yahay xagaaga dambe in xidigaan uusan PSG kusii sugnaan doonin.

Sidaa darteed naadiga Man United ayaa diyaar u ah inay saxiixa Neymar ku garaacdo Real Madrid weliba ay kusoo qaadato €500m marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Shabakada France laga leeyahay Le10 Sport ayaa qortay in Man United ay diyaar u tahay dhigeeda Paris inay ku wareejiso €500m (£444m) si ay saxiixa Neymar kaga dul qaadaan.

Maamulka PSG diyaar ayay u yihiin inay Man United ganacsi la sameeyaan waxayna dhibsadeen sida aan wanaagsaneyn ee Real Madrid kaga tilaabsaday oo ay Neymar iyo aabihiis ula hadleen.

Man United xagaagii 2016 Paul Pogba ayay lacago rikoor ah £89m kaga soo qaateen PSG sidaa darteed xagaagan inay Neymar markale ka dhigaan saxiixa aduunka ugu qaalisan waxba lama noqon doonto waa hadii ay xidigaan ogolaansho ka helaan.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR