Manchester City oo Barcelona kula dagaallamaysa saxiixa laba ciyaaryahan.

Kooxaha Barcelona iyo Manchester City oo si fool-ka-fool ah ugu dagaallamaya saxiixa laacibka kooxda Ajax ee Frankie de Jong, sida ay Goal fahansantahay.

Labada koox ayaa aaminsan in midba midka kale kaga dhowyahay saxiixiisa, maadaama 21-sano jirkan ay doonayaan inta ugu kooxaha waaweyn ee qaaradda Europe.

Barca ayaa suuqii xagaaga isku dayday inay lasoo saxiixato De Jong, waxaana Goal ay sheegeysaa in xoghayehii farsamada Barcelona Robert Fernandez uu si toos ah ula kulmay agaasimaha kubadda cagta Ajax ee Marc Overmars.

Balse Blaugrana waxa ay u gudbisay dhiggeeda qiimo aad uga hooseeya lacagta kooxda reer Holland ay ku qiimeysay xiddiggeeda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Barcelona markale isku dayi doonto isla markaasna ay kaga dhowdahay City, maadaama ciyaaryahanka uu dhowr jeer soo bandhigay jaceylka uu u qabo inuu Camp Nou kala soo muuqdo Lionel Messi.

Dhanka kale labada koox ayaa isku haya saxiixa De Jong saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Mattjis de Light, kaasoo la aaminsanyahay in Man City haddaba ay diyaar u tahay lasoo saxiixashadiisa.

De Light ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah kooxo badan oo ay Barca qayb ka tahay, sidoo kalena ay ku jirto Juventus.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR