Mareykanka oo balan qaaday sare u qaadista beegsiga Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa Muqdisho kulan kula qaatay madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka ee ah Soomaaliya.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa sheegay in howlgalladiisa ka dhanka ah Al-shabaab la kordhinayo si xasilloonida loogu soo celiyo Soomaaliya.

Waxaa uu intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay garab istaageyso dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo saaxiibada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Dhaq dhaqaaq Al-shabaab ayuu ku sifeeyay qatar ku wajahan Gobolka Geeska Afrika isaga oo sheegay in dowladda Mareykanka ay tallaabo dheeraad ah ka qaadeyso AL-shabaab.

Mareykanka ayaa si adag u bartilmaameedsada xubnaha Shabaab & madaxdooda oo duqeyn & dagaalo toos ah la beegsada.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR