“Marka Uu Guardiola U Baahan Yahay 100 Milyan, Sheekha Wuxuu Kor U Qaadaa Qiimaha Gaaska” – Madaxweynaha Bayern Munich

Madaxweynaha Bayern Munich Uli Hoeness ayaa ka hadlay lacaagta aan dhamaadka laheyn ee Manchester City iyo sida uu uga maseyrsan yahay, inkastoo uu qirtay inuu ku faano qaabka ay dhaqaale ahaan u maamulaan kooxdiisa.

Pep Guardiola ayaa ku biiray kooxda Premier League ka dhisan ka dib markii uu ka tagay Bayern Munich, waxaana uu Hoeness sheegay inuu xog ogaal u yahay qaabka ay ciyaartoyda u soo iibsadaan kooxda ka dhisan Etihad Stadium.

“Saaxiibkeyga Pep Guardiola ayaa ii sheegay waxa dhaca marka uu doonayo inuu la soo saxiixdo ciyaaryahan qiimihiisa uu yahay 100 milyan euro” ayuu yiri Hoeness.

“Waxa uu uruuriyaa tiro muuqaalo ah oo ku saabsan ciyaaryahanka waxaana uu u diraa Sheekh Mansuur.


“Marka uu la kulmo Sheekha waa ay isla cunteeyaan waxaana Pep uu tusaa muuqaalada ka dib Sheeka ayaa lacagta gacanta u geliya, maalinta ku xigta lacagta waa ay u soo noqotaa isagoo ka hela gaaska uu iibiyo.”


Bayern ayaa isku diyaarineysa inay sameyso maalgashi weyn, waxaana uu Hoeness shaaca ka qaaday inay sameyn doonaan maalgashigoodii ugu weynaa taariikhda, iyadoo kooxda la gelinayo 200 milyan.

Si kastaba, lacagtaas kama imaaneyso ilo banaanka ah laakiin waa lacag laga soo jarayo lacagta u taala kooxda.Bayern ayaa la filayaa inay 80 milyan euro ku soo xerogeliso xiddiga Lille Nicolas Pepe sida ay sheegtay beIN Sports.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR