Markale iyo niyad jab! Manchester United oo qalbi jab kala kullantay Deigo Godin .

Naadiga Manchester United ayaa dalab ka gudbisay Diego Godin, balse naadiga Atletico Madrid ayaa hoos u dhigtay inay dalabkii Red Devils ee ku aaddanaa difaaceeda dhexe.

Difaaca reer Uruguay ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo kooxda reer England, waxaana uu qarka u saaranyahay inuu heshiis cusub uu saxiixo oo u kusii joogi doono garoonka Wanda Metropolitano.

Manchester United ayaa weli ka quusan la’ lasoo saxiixashada difaac dhexe xagaagan xilli uu suuqa England uu ka dhimanyahay keliya wax ka yar laba maalmood.

Yerry Mina, Toby Alderweireld, Harry Maguire iyo kuwo kale ayay ku hungowday, waxaana ay awoodda isugu geysay Godin.

32-jirkan ayaa keliya lagu heli karaa €20m oo qandaraaskiisa lagu jebin karo, balse difaacan ayaa ku qanacsan inuu lasii joogo kooxda Diego Simeone.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR