Mas’uul ka tirsan mucaarad ka Zimbabwe oo kasoo muuqday maxkamad ku taal magaalada Harare


Wasiirkii hore ee maaliyada dalka Zimbabwe Tendai Biti ayaa loo maxkamadeeyay dacwado la xiriira qalalaasihii ka dhashay doorashadii madaxtinimo magaalada Harare.

Mr biti ayaa laga diiday codsi magan gelyo uu ka dalbaday wadanka Zambia xilli uu doonayay in uu ka talaabo xuduuda labada dal.

Police-ka zimbabwe ayaa waxay baadi goob ugu jireen mr biti iyo sideed sargaal oo kale kadib markii ay qalalaaso sameyeen 30 kii bishii July kadib markii ay ka soo horjeesteen guushii uu gaaaray madaxweyne Emmerson Mnangagwa.

Hogaamiye yaasha mucaaradka ayaa zimbabwe ayaa lagu eedeyay in isku dayayeen falal lidi ku ah amniga qaran ka iyo hub sharci daro ah.

Mr Biti ayaa hadii lagu helo danbigan waxaa uu muteysan doonaa 10 sano oo xarig ah ama lacag isku furasho ah.

Siyaasigan ayaa lagu sii daayay $5,000. oo dolar ka mareykanka waxaana sidoo kale maxkamada magaalada Harare ay amartay in baasaboorkiisa iyo sabar loogada gurigiisa uu soo wareejiyo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR