Mathias Pogba oo ku dhiiragaliyay Real Madrid inay xalliso heshiiska uu walaalkiis ugu wareegayo Bernabéu

(Yurub) 16 Agoosto 2019. Mathias Pogba oo ah walaalka la dhashay xiddigaha khadka dhexe kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa ka hadlay suurtogalnimada uu walaalkiis kaga dhaqaaqi karo Red Devils xagaagaan.

Pogba ayaa wuxuu bar-tilmaameed u soo ahaa kooxda Real Madrid tan iyo bilowga suuqan xagaaga, laakiin kaddib marka uu suuqa ka xirmay dhanka England, United-ka ma aysan sameynin saxiixa bedelka xiddiga reer France, taasoo xaalada ku sii adkeysay naadiga Los Blancos.

Mathias Pogba ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay suurtogalnimada uu walaalkiis kaga dhaqaaqi karo Red Devils xagaagaan wuxuuna yiri:

“Pogba wuxuu doonayaa inuu dhaqaaqo suuqan xagaaga, laakiin wax walba ma sameyn karo”.

“Haddii uusan Zidane haysan wax walba uu u baahan yahay xilli ciyaareedka cusub, xaaladu way ku adkaan doontaa isaga, waxaan u malaynayaa inuu seegay saxiixa Pogba”.

“Suurtogal maahan in Florentino Perez uu ku guulaysto heshiiska walaalkay, mana xaqiijin kartid inuu sii joogayo United-ka”.

“Ilaa iyo dhamaadka suuqa ee 2-da Sebtember, wax walba waxay ku dhici karaan masiirka Pogba”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR