Maurizio Sarri Oo Kooxdiisa Juventus Ka Dalbaday In Ay U Keenaan Xiddig Muhiim Ka Ah Chelsea

Tababaraha Kooxda Juventus ee Maurizio Sarri Ayaa kooxdiisa ku Amray in ay weerar dhanka suuqa ah ku qaadaan kooxdiisii hore ee chelsea kana soo Afduubtaan xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Emerson Palmieri Marka la gaadho suuqa Janaury.

Emerson Palmieri ayaa kooxda chelsea ku soo biiray sanadki 2018 isaga oo kaga soo biiray kooxda Roma kadib markii uu Sarri dalbaday xiddiga.

Sarri oo haatan tababare u ah kooxda Juventus ayaa doonaya in uu mar kale la midoobo daafaca isaga oo doonaya in uu ku xoojiyo daafaca kooxdiisa.

Wargayska Metro ayaa sheegaya in uu Sarri maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan xiddiga suuqa January xitaa heshiis amaah ah hadii ay ku keeni kraan.

Emerson Palmieri ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Frank Lampard isaga oo ka mid ah qorshihiisa kuna bilowday 5-tii kulan ee ugu horeeyay premier League ka hor inta uuna dhaawacmin.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR