Mauro Icardi: Inter Milan waxeey iga Caawisay inaan u koro shaqsiyad ahaan iyo ciyaaryahan ahaan.

Kabtanka Kooxda kubadda cagta ee Inter Milan Mauro Icardi ayaa amaan xoogan usoo jeediyay kooxdiisa isagoo sidoo kale u mahad celiyay.

Mauro icardi ayaa kamid ah Ciyaartooyda ugu wanaagsan ee weerarka ka ciyaarta kuwaasi oo ku sugan horyaalka wadanka talyaaniga.

Icardi ayaa shabaqa gaaray Seddex jeer Horyaalka Seri A Xilli ciyaareedkan halka uu caawiyay labo gool oo kale dhanka kale waxuu goolal ka dhaliyay koobka horyaalada qaarada yurub.

Bandhigiisa wanaagsan ayaa sababtay in kooxo badan ay dalab kasoo gudbiyaan laacibkan waxaana kamid ah Real madrid iyo kooxo kale.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR