Mauro Icardi Oo Heegan Galiyay Kooxaha Doonaya Ee Man United Iyo Real Madrid, Maxaa Soo kordhay.?

Xidigan heerka caalami ee reer Argetine ee ayaa tan iyo xagaagi lasoo dhaafay xiisa ka helayay kooxaha uvu waayn qaaradda yurub kuwaas oo doonaya in ay xidigan kasoo qaataan kooxda ka ciyaarta Serie A.

Icardi ayaa kamid ah weeraryahada ugu wanaagsan qaaradda isaga oo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay kooxdiisa Inter Milan ka caawiyay in ay usoo baxdo UEFA Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, sada laga soo xiganayo wargayska Tiki Taka  Mauro Icardi ayaa caddeeyay in uusan ku dag dagi doonin kordhinta heshiiska uu kula joogo kooxda Inter Milan.

Weeraryahankan ayaa waxaa xiisa waali ah u qaba kooxaha kakala ciyaara Premier League iyo La Liga ee Man United iyo Real Madrid.

Rela Madrid ayaa ladhibaatoonaysa abaar ka haysata gool dhalinta tan iyo markii uu xagaagan kooxda kadhaqaaqay Cristiano Ronado oo lacag rikoor ah ugu biiray Juventus, halka United ay dhankeedu raadinayso xidiga aybku lammaaniso Romelu Lukaku oo isagu kali ah weerarka tooska ah ee kooxda Old Trafford.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR