Maxaa Ka Cusub Dhaawicii Soo Gaaray Xiddiga Man United Paul Pogba Kulankii FC Basel?

Paul Pogba ayaa xalay oo Talaado aheyd dhaawac uga baxay kulankii ay kooxdiisa Manchester United guusha 3-0 ah ka gaartay kooxda reer Switzerland ee FC Basel kana dhacay garoonka Old Trafford.

Markii ay soo dhammaatay ciyaartii Old Trafford, Paul Pogba ayaa la arkaayey isagoo ku dhutinaya ulaha cuuryaamiinta – taasoo gelisay maanka taageereyaasha Man United inuu halis yahay dhaawaca soo gaaray xiddiga heerka caalami ee reer France.

Paul Pogba oo ahaa kabtankii xalay ee Man United ayaa 18 daqiiqo ciyaaray kulankii furitaanka Group A ee tartanka UEFA Champions League, ka hor inta uusan dhaawac cajirka ah garoonka uga bixin.

Pogba ayaa dhammaadkii ciyaarta garoonka ka baxay isagoo ulaha curyaamiinta ku socda.

Ka dibna tababare Jose Mourinho ayaa shirkiisii saxaafadda ee ciyaartaan ka dib ku xaqiijiyey in uusan mashiinka qadka dhexe ciyaari doonin kulanka ay Axada horyaalka England Premier League ku wajahayaan kooxda Everton.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR