Maxaa Sabab U Ahaa In Aan Galo Xabsiga Xarunta Taraafikada? Qaybta kowaad (WQ: Siciid Gahayr)

Maxaa Sabab U Ahaa In Aan Galo Xabsiga Xarunta Taraafikada? Qaybta kowaad..

Fiiro gaar ah: 1dii Ogos 2016ka ayaan qormadan kowaad faafiyay. Dumarnimadii 2da Ogos 2016ka waxa taleefan aan la aqoon “unknown” iga soo wacay Taliyihii ciidanka Taraafikada Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi. Hadalkiisa ayaan ku joojiyay laba qormo oo kale. Wixii aanu is nidhi inta ummadda la gaadhsiin karo iyo labadii qormo ee kale waa inoo caawa iyo berri idanka Alle.

28kii Julaay 2016ka arooryo Khamiis ah ayaan u ambabaxay in aan ka qayb galo munaasibadda meherka Abwaan/Qoraa Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq) iyo Marwadiisa Khadra Cabdi Cabdillaahi oo ka dhacaysay Hoolka Jaamacadda Gollis ee u dhaw Summertime Hotel ee magaalada Hargeysa. Kaddib markii uu si guul leh u soo dhammaaday, ee aanu halkaa ku kulannay hal-abuurro iyo suxufiyiin aanu kala baadnay, waxa aan wakhti aan badnayn ku qaatay Guuleed Hotel oo uu ka socday Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa.

Intaas kaddib, waxa aan si kooban u gaadhay Xafiiska Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo aan ka mid ahay qorayaasha Manhajka Cusub ee Dugsiyada Dhexe gaar ahaanna afka Soomaaliga. Bahdii aanu isku shaqada ahaynna, waxa aanu yeelannay xog-waraysi ku aaddan halka ay marayso masuuliyaddii aannu qaranka u haynnay.

Abbaaro 11:00kii barqannimo ayaan soo gaadhay Ishaarada Dhexe ee Hargeysa oo ay gawaadhidu socdeen. Askari ciidanka nabadgelyada waddooyinka ka tirsan ayaa ay sheekadani na dhex martay:

“Joog, ishaarada oo xidhan/xanniban ayaa aad dhaaftay?”

“Saw kuwaa gawaadhidu socda, anigu ma arkaynba in ay xidhnayd ama furnayd”

“Waa lagu ganaaxayaa?”

“Liisan ma haysataa”

“Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa gacanta ku haysa”

“Buuggii gaadhigu mee?”

“Nin aanu saaxiib nahay ayaa aan ka soo kaxaystay. Kolkaa buugga ma garan karo in uu saaran yahay”

“Waa lagu ganaxaayaa”

“Dhib ma leh”

Askarigii waxa uu la soo baxay buug-yarihii ganaaxa oo midabkiisu huruud/jaalle ahaa. Intii hadalku socday ayaa uu shidmay midabkii cagaarnaa ee Ishaaradu, gaadiidkina waxa ay bilaabeen in ay hoonka yeedhiyaan. Si aanan u xannibin baabuurta ayaa aan hore u socday, waxa aan istaagay meel boqol tallaabo u jirta badhtamaha jidka, oo u dhexaysa Xawaaladda Kaah iyo Daarasalaam. Askarigii oo weli aan iga hadhinna waxa aan ka codsaday in uu i sugo wakhti kooban.

Gaadhiga inta aan ka degay ayaan galay Xawaaladda Kaah, waxa judhiiba iga daba yimi askarigii oo yidhi “Waddo ayaad xidhay. Ka dhaqaaq meesha”.

Dibadda ayaa aan u soo baxay, qof ila socdayna waxa aan ku idhi “Baabuurka dhaqaaji”. Dhawr askari ayaa isu habar-wacday, waxa ay kala ahaayeen:

1. Askarigii taraafiiga ahaa ee jidka taagnaa

2. Wade darawal ka ah tagaasida buluugga ah ee ciidanka Nabadgelyada waddooyinka iyo

3. Ilaaliyihii xawaaladda Kaah

Mar kale ayaan xafiiska KAAH galay. Askari qaylinaya ayaa iga soo daba-galay. Markii aan dibadda u baxay ayaa uu qoorta i qabtay, isaga oo leh “Kan waa in la xidho”. Markii uu diiday in uu faraha iga qaado, aniguna halkii uu igu dhegay baa aan tudh siiyay. Halkii ganaax la i saari lahaa, waxa lagu beddelay gacan iyo muquunin.

Qof ahaan, waxa aan u arkaa in ay gef tahay tacaddiga ay askartu u geystaan shacabka, haddii ay ciidanku meel kaga dhacaan xuquuqda bulshadana, waxa aan aamminsanahay in la iska difaaco. Haddii uu qaran u shaqeeyo, aniguba dalka waa aan u adeegaa. Yaa siiyay awoodda ay keligood gacanta ku qaadi karaan?

Saddexdii askari ayaa igu wada madhmadhay, aniguna iska caabbin ayaan galay. Gawaadhidii iyo dadkii oo dhan ayaa xaggayaga indhaha ku soo biniiniyay. Shaw magaaladu xasaradda iyo buuqa waa ay ka heshaa! Markii ay jeexeen shaadhkii aan sitay ayaa ay nabaddi faraha ka baxday. Dhawr feedh ayaa la is-weydaarsaday. Cabbaar markii uu gacan-ka-hadalku socday ayaa haddana uu dillaacay surwaalki aan xidhnaa, nin weyn oo magaalada lagu qaawiyay waa fool-xumo’e, waa aan is-dhiibay.

Sidaas ayaan ku koray gaadhi ay leeyihiin ciidanka Nabadgelyada waddooyinku. Abbaaro 11:50kii barqannimo ayaanu gaadhnay Xarunta Ciidanka Nabadgelyada waddooyinka. Xafiisku waxa uu erey ka qoray askari eedayn ii jeediyay, tirsigiisa ciidanka oo la weydiiyeyna waxa uu ahaa 2350 (Laba kun, saddex boqol iyo konton). Anigana waxa la i weydiiyay magacayga oo saddexan, magaca hooyaday, tirisiga (numberka) gaadhiga aan watay, cidda baabuurka lahayd iyo da’da aan jiro.

Kolkii intaas la diiwaan-geliyay ayaanu qol ugu tagnay mid hurda oo aanan garanaynnin magaciisa iyo xilka uu hayo midnaba, kolkii uu askarigii hadlay ayaa uu yidhi “Xidha”, haddana inta uu is-badh-qabtay ayaa uu yidhi “Sidee wax u dhaceen?”. Aniga oo ogsoon in aan hadalkayga la qiimayn doonin ayaa aan ku tiraabay dhawr weedhood, waxa aanu ku soo noqonnay xafiiskii dacwadaha, inta aan kabaha bixiyay oo moobilkaygiina la iga qaaday ayaa la ii gudbiyay Xabsiga Xarunta Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.

Xilliga la i taxaabayo, la ima siinnin fursad aan ku war-geliyo qoyskayga, jaallayaasha iyo bulshada midnaba si la iigu keeno cunno iyo gogol. Aniga oo aan sidannin go’, gogol iyo dawo midnaba. Kabaha iyo moobilkayga waxa lagu xardhay 2453.

Askarigii aanu isku dhacnay waxa uu sheegtay khasaare gaadhay, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa iga lumay juwankii ganaaxa, waxa uu ka koobnaa 100 xabbo oo qiime ahaan noqonaya hal milyan oo shilinka Somaliland ah (1,000,000 SL/SH). Hadda waxa aan jaray 43, waxa ku hadhsanaa 57. Haddii aan Dawladda Hoose ee Hargeysa loo geynnin qaybta dambe ee juwanka, waxa ay lacagtiisa iyo ganaaxu isku noqonayaan laba milyan oo shilinka Somaliland ah”

Waxa hadhimo ii keenay wiil aan adeer u ahay oo kaxeeyay gaadhigii aan watay, isla markaana ila socday markii ay askartu i jujuubayeen. Inkasta oo aanu qaangaadh ahayn isagana gudaha ayaa la dhigay. Waxa lagu eedeeyay “gaadhigii ayaa uu kexeeyay”, haddaa ma jidka ayuu oolli lahaa? Inkasta oo aan ka ergeeyay xadhiggiisa, haddana dheg la iima jalaq siinnin. Waxa xorriyooddiisa loo celiyay 09:00kii caweysnimo. Xadhigga wiilkani waxa uu igu ahaa dab iyo dhimbiil, markii uu dibadda u baxay ayaa aan nafis iyo neecaw qabaw dareemay.

Habeennimadii kowaad ee aan xabsiga ku jiray wax war ah kama heli ciddii daannadu na kala gaadhay, waayo waxa ay askartu ku mashquulsaneeyaan kala hagidda gawaadhida Hargeysa oo ku ururay biriishka, kaddib markii uu dooxu soo rogay biyo badan.

La soco qaybta labaad haddii Alle idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR