Maxaa Si Ka Noqday Man City Kulankii Norwich City? Qiimaynta Ciyaartoyda Labad Kooxood Ayaa Wax Qeexaysa.


Manchester City ayaa guuldaro 3-2 ah kala soo laabtay kooxda heerka labaad ka soo dalacday ee Norwich City waxayna ahayd guuldaradii ugu horaysay ee Man City ku soo gaadhay horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.

Guuldarada Manchester City soo gaadhay waxay faa’iidada ugu wayn u tahay kooxda hogaaminta Premier League haysa ee Liverpool oo hadda is arkaysa iyada oo shan dhibcood ka sare martay kooxda ay inta ugu badan iska ilaalinayaan.

Haddaba maxaa Manchester City ka qaldamay kulankii ay guuldarada kala soo laabteen kooxda Norwich City?

Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood ayaa laga fahmi karaan halkii ay Manchester City ka jabtay kulankii Norwich City ee sababta dhabta ah ugu noqotay in ay guuldaro soo gaadhay.

XIDIGII GAROONKA: Xidiga kooxda Norwich City ee Emi Buendia ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isla markaana uu shabaqa ka soo taabtayt City.

Emi Buendia waxa u ka mid ahaa sababihii ay Norwich City guusha uga gaadhay Man City isla markaana ay kooxda Guardiola ugu adkaatay in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Inkasta oo Emi Buendia loo doortay xidigii garoonka, haddana ugu dhawaan ciyaartoy kasta oo shaxda Norwich City ku soo bilawday ayaa u qalmay in uu xidigii garoonka noqdo, waxaanad ka fahmi kartaa qiimaynta layaabka leh ee ay heleen.

Laakiin waxaa kulankan ku fashilmay Nicolas Otamendi kaas oo noqday xidiga ugu qiimaynta liita kulankan waana sababtii ugu waynayd ee ay Man City u guuldaraysatay marka lagu daro John Stones oo isna fashil ahaa.

Dhaawicii soo gaadhay Aymeric Laporte waxa uu ceebtooda banaanka keenay Otamendi iyo Stones taas oo hadda walwal badan ku abuuraysa Guardiola.

Raheem Sterling, David Silva, Gundogan iyo Walker ayaa sidoo kale ka mid ahaa ciyaartoyda fashilka ku ahaa kulankii Norwich City.

Qiimaynta Ciyaartoyda Man City iyo Norwich City:

Norwich: Krul (7), Byram (7), Godfrey (8), Amadou (8), Lewis (8), Tettey (8), McLean (7), Buendia (9), Stiepermann (7), Cantwell (8), Pukki (8).

Badalkiii: Drmic (n/a), Srbeny (n/a).

Man City: Ederson (6), Walker (5), Stones (4), Otamendi (3), Zinchenko (6), Rodri (6), D Silva (5), Gundogan (5), B Silva (6), Aguero (6), Sterling (5).

Badalkii: De Bruyne (6), Jesus (5), Mahrez (5).

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR