Maxaad ka taqaanaa shanta ciyaaryahan ee ku guuleystay European Golden Shoe iyagoo ka ciyaara horyaalka Premier League!

Laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xilli ciyaareedkii hore gacanta ku dhigay abaal marinta kabta dahabka qaaradda Europe, isagoo noqday xiddigga ugu badan ee abaal marintan hantay maadaama shan jeer uu qaaday.

Abaalmarintan European Golden Shoe oo ah abaalmarin la siiyo laacibka ugu goolasha badan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Europe kullamada horyaallada ayaa lasoo billaabay xilli ciyaareedkii 1967-68.

Horyaalka Ingiriiska ayaa keliya soo saarray shan ciyaarayahan oo abaalmarintan ku guuleystay iyagoo gudaha England ka ciyaara.

Haddaba aynu eegno shanta xiddig ee ku guuleystay European Golden Shoe iyagoo ku sugan horyaalka Ingiriiska.

5. Ian Rush

Halyeyga Liverpool waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee isagoo ka ciyaaraya horyaalka Premier League xilligaasna loo aqoon jiray First Division ku guuleystay abaalmarinta kabta dahabka ah, waxaana uu qaaday xilli ciyaareedkii 1983-84 isagoo dhaliyay 32-gool.

4. Kevin Phillips

Weeraryahankii hore ee Sunderland ayaa ah keliya halka ciyaaryahan ee Ingiriis ah oo hantay abaal marintan isagoo xilli ciyaareedkii 1999-2000 ku qaaday kabta dahabka ah 30-gool.

3. Luis Suarez

Xilli ciyaareedkii 2013-14 ayuu hantay abaalmarintan isagoo noqday laacibka labaad ee Liverpool u ciyaara oo abaalmarintan ku guuleystay, waxaana xilli ciyaareedkaas uu dhaliyay 31 gool, isagoo la wadaagay Cristiano Ronaldo oo Real Madrid ka tirsanaa, waxaase abaalmarintan uu qaaday markale isagoo ka tirsan Barcelona xilli ciyaareedkii 2015-16 oo uu 40-gool dhaliyay. Weeraryahanka Uruguay ayaa ahaa xiddiggii ugu dambeeyay ee Ingiriiska ka ciyaara kaasoo European Golden Shoe ku guuleysta.

2. Cristiano Ronaldo

Ku guuleystihii Ballon d’Or ee 2008 ayaa xilli ciyaareedkii 2007-08 dhaliyay 31 gool, sidoo kalena ka saaciday Manchester United inay qaaddo Champions League, waxaana uu gacanta ku dhigay abaalmarinta European Golden Shoe iyo Ballon d’Or.

  1. Thiery Henry

Halyeeygii hore ee Arsenal ayaa noqday ciyaaryahanka keliya ee laba jeer ku guuleystay abaal marinta Kabta Dahabka qaaradda Europe, waxaana uu dhaliyay 30-gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkii 2003-04.

Markale ayuu abaalmarintan qaaday waxaana ay ahayd sanad ciyaareedkii 2004-05 isagoo dhaliyay 25 gool.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR