Maxaad kala socotaa 6-da koox ee aan weli la garaacin shanta horyaal ee qaaradda Europe ugu weyn!

Waxaa lasii dhaafayaa 10 toddobaad inta ay socdaan horyaallada ugu waaweyn qaaradda Europe, waxaana soo baxay natiijooyin kala duwan kuwaasoo qaarkood aan lasii saadaalinin.

Saddex koox oo ka mid ah Premier League ayaanan weli dhinacooda dhulka la dhigin kullamada horyaalka, waana kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester City.

Xogtan waxa ay u qaas tahay keliya kullamda laga ciyaaray horyaallada dalalka sida Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1.

Booska 6-aad waxaa sheekadan kaga jirta kooxda Livepool, taasoo adkaatay 6 kullan oo Premier League ah iyadoo guud ahaan ciyaartay 8 kullan, waxaana ay bareejo gashay keliya laba jeer.

Booska 5-aad kooxda ku xusan ayaa ah waa Chelsea taasoo iyadana Liverpool kala siman natiijooyinka 8-da kullan ee ugu horreysa, waxaana ay adkaatay Lix ka mid ah.

Manchester City ayaa booska 4-aad kaga jirta sheekadan, taasoo iyadana guuleysatay Lix ka mid ah siddeedda kullan ee laga ciyaaray EPL.

Booska 3-aad waxaa ku jirta kooxda Borussia Dortmund, waxaana ay guuleysatay 5 kullan oo Bundesliga ah, guud ahaanna waxa ay ciyaartay 7 kullan.

Kooxda kale ee ay sheekadan taabaneyso waa Juventus oo wada guuleysatay dhammaan siddeeddeeda kullan ee Serie A xilli ciyaareedkan, iyadoo diiwaankan booska 2-aad kasoo gashay.

Booska 1-aad waxaa fadhisa kooxda Paris Saint-Germain oo iyadane guuleysatay sagaal kullan oo ay ciyaareen xill ciyaareedkan kullamada Ligue 1.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR