Maxay ka wada hadleen Duqa Muqdisho, Madaxweynayaasha Hirshabelle & K/galbeed (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada
Muqdisho Cumar Filish, ayaa xalay wuxuu Muqdisho kulan kula qaatay
Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada Hirshabelle & Koonfur Galbeed oo
Muqdisho ku sugan.

Kulanka oo casuumaadiisa uu fidiyay Duqa Muqdisho ayaa
waxaa soo aqbalay labada Madaxweyne ee Koonfur Galbeed & Hirshabelle iyadoo
madaxdaan xalay ay is xaalwareysteen.

Nuxurka kulanka ayaa wuxuu ahaay wada shaqeyn
dhexmarta Gobolka Banaadir iyo Maamulada Hirshabelle & Koonfur Galbeed,
maadaama ay wadaagaan xuduudo labada Maamul iyo Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ka codsaday labada
Madaxweyne inay kala shaqeeyaan ammaanka Magaalada Muqdisho iyo sidii Maamulka
cusub uu u sameyn lahaay dar dar cusub oo ku aadan dhanka ammaanka.

Madaxweynayaasha Hirshabelle & Koonfur Galbeed
ayaa u balan qaaday duqa Muqdisho inay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan
Maamuladooda, islamarkaana ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka Al
Shabaab.

Duqa cusub ee Muqdisho ayaa tan iyo markii la magacaabay wuxuu kulamo kala duwan la qaadanaayay madaxda si uu uga helo wada shaqeyn ku aadan qorshaha suggida ammaanka Muqdisho.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR