Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Jubbaland & Madaxweynaha Galmudug?


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha la xiriira Doorashooyinka 2020/2021 oo labaduba ay u joogaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka ayaa labada madaxweyne waxaa ay uga hadleen sidoo labada Maamul ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinac walba ah, si ay u noqdaan laba maamul oo wada-shaqeyn rasmi ah dhex-marta.

24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, kaas oo ay yeelanayeen Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federalka Somaliya & Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaanan wali la soo gabagabeyn, kaasi oo sida la sheegaayo qodobada qaar dood ay ka taagan tahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com







Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR