Maxay madaxda Manchester United ku canaanteen Jose Mourinho!

Madaxda kooxda Manchester United ayaa canaan kulul u jeediyay macallinkooda Jose Mourinho iyagoo u sheegay inuu wax ka bedelo siyaasaddiisa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Xagaagan ayay United ku fashilantay inay sameyso dhowr saxiix taasoo ka careysiisay madaxda kooxda.

Fred, Diego Dalot iyo Lee Grant oo keliya ayay United gacanta kusoo dhigtay halka ay ku hungowday saxiixyada Yerry Mina iyo Leonardo Bonucci.

Red Devils madaxdooda ayaa macallinka reer Portugal u sheegay inaysan lacag badan ku bixin doonin ciyaartoy qaarkood ay da’ yihiin, maadaama suuqyadii dhowaa ay kooxdu lasoo saxiixatay Alexis Sanchez iyo Zalatan Ibrahimovic.

Ed Woordward ayaa ka hor istaagay Jose inuu iibiyo xiddigaha kala ah Paul Pogba iyo Anthony Martial.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR