Maxkamadda Ciidamada oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haystay Qaraxii Wadajir

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa saaka oo
Khamiis ah waxa ay ku xukun ku riday shaqsiyaad loo haystay inay ka dambeeyeen
Qaraxii Bishii November 2018-kii ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolkaan
Banaadir.

Eedeysanayaasha oo muddooyinkii dambe kiiskooda laga
dhageysanaayay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa ugu dambeyn
maanta oo Khamiis ah xukunka lagu riday.

Ragga ay Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ay 
saaka xukun dil toogasho ah ku ridday ayaa kala ah Xasan Cali Macalin Barre
halka xabsi daa’in ay ku riday Sayid Cali Aadan Nuur oo lagu helay inay ka
dambeeyeen Qaraxii ka dhacay xaafada Kaawo godey ee degmada Wadajir 26 November
sanadkii hore. maxkamada ayaa sii daysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay
dambigaas.

Qaraxaasi ka dhacay Kaawo Godey waxaa ku dhintay dad gaaraya 12
ruux, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale sida Maxkamadda ay sheegtay.

Dadka ku dhintay qaraxaasi waxaa ka mid ahaay Sarkaal lagu
magacaabi jiray Dhame Maxamed Muxudiin Abooreyste & Hooyadiis sida Xeer
illaalinta Maxkamadda ay ka sheegtay.

Xeer  illaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida
ayaa sheegtay qaraxaasi inuu sameeyay ninka lagu magacaabo Sayid Cali.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR