Messi oo sabab u noqday in France Football ay ka careysiiso taageerayaal badan oo kubadda cagta!

Inkastoo uusan Messi ahayn xiddigga ugu cadcad abaal marinta Ballon d’Or, haddana waxa uu helay codadka ugu badan (48%) ka dib Poll ay taageerayaasha usoo bandhigtay majaladda France Football oo soo agaasinta abaal marinta Ballon d’Or.

Codadka lagu qaaday Poll-kaas, waxaa booska labaad kasoo galay weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah, kaasoo helay codad gaaraya 31%.

Cristiano Ronaldo ayaa booska saddexaad soo galay, waxaana uu helay 8%.

Balse France Football ayaa gebi ahaan boggeeda ka saartay Pol-ka codeynta, maadaama aysan saldhig u ahayn cidda ku guuleysanaysa abaal marinta.

Inta ugu badan taageerayaasha kubadda cagta ayaa codadkooda siiyay Captain-ka Barcelona, kaasoo xittaa aanan ka mid noqonin min saddexdii musharrax ee bilihii lasoo dhaafay usoo tartamay abaal mariinnada laacibka ugu fiican ee UEFA iyo FIFA.

Luka Modric ayaa ah xiddigga ugu badan ee abaalmarintan loo saadaalinayo, waxaana uu horraan shanta farood kusoo dhigay abaal mariinnada UEFA iyo FIFA ee xiddigga ugu fiican sanadka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR