Messi: Waxa Aan Doonayay In Uu Cristiano Ronaldo Sii Joogo Real Madrid Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa qirtay in uu rajaynayay waliba doonayay in uu Cristiano Ronaldo sii joogo kooxda Real Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa si lama filaan ah uga tagay kooxda Barcelona suuqii xagaaga ee 2018 isaga oo ku biiray kooxda Juventus isaga oo soo afjaray 9 sano oo uu joogay horyaalka La liga.

Sanadihii ugu dambeeyay gaar ahaan sanadkii 2008 ilaa haatan waxa jiray tartan adag oo ka dhexeeyay xiddigaha Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi oo ku saabsanaa dhanka abaalmarinaha shaqasiga iyo waliba rikoodhada kubada cagta.

Messi oo arintaas kala hadlaya idaacada RAC1 ayaa yidhi”Waxa aan doonayay in uu Cristiano Ronaldo sii joogo Real Madrid sababta oo ah joogistiisa ayaa xiiso u yeelaysay horyaalka La Liga kana dhigaysay mid awood badan”.

Kooxda Real Madrid ayaa si weyn ugu dhibaatootay bixitaankii Cristiano Ronaldo iyaga oo xilli ciyaareedkii hore baxay koob la,aan ilaa haatana aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR