Mid kamid ah dadkii lagu tuhunsanaa kiiska kugsiga iyo dilka Xamdi oo lagu qabtay Galmudug

MUQDISHO (HALBEEG)- Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee Gobolka Galgadauud ayaa sheegay in Booliiska Dowlad goboleedka Galmudug ay xalay howlgal ay fuliyeen ku soo qabteen mid kamid ah ragii lagu eedeeyay kufsigii iyo dilkii Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in eedeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha kiiska Xamdi Maxamed Faarax uu ka baxsaday magaalada Muqdisho kiiska markii uu dhacay ka dib.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib ayaay tiri” Taliye Sakiya.

Taliye Sakiya ayaa u mahadcelisay booliska iyo shacabka Galmudug oo ka wada shaqeeyay soo qabashada eedeysanahan baxsadka ahaa.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shalay sheegay in eedeysanayaal gaaraya 11 qof ay u xiran yihiin kiiska Xamdi Maxamed Faarax oo jimcihii la soo dhaafay kufsi iyo dil loogu geystay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.


Post Views:
32

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR