Mid Kamida Daafacyada Ugu Khibrada Badan Yurub Oo Arsenal Kusoo Biiri Kara & Kooxdii Kula Tartamaysay Oo Uga Hadhay.


Advertisements


Arsenal iyo tababaraha kooxdeeda ee Mikel Arteta ayaa ah kuwo war u wanaagsan ka helaya baadigoobkii ay ugu jireen saxeexa daafaca khibrada badan ee kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng.

Sida laga war-qabay, AC Milan oo ahayd kooxda kaliya ee ku cidhiidhinaysay Boateng Gunners ayaa ka maarantay imika kaddib markii ay shalay xaqiijiyeen saxeexa Simon Kjaer oo ay qaab amaah ah kagala wareegeen Sevilla.

Image result for boateng to arsenal

Il wareedka Sky gaar ahaan qaybtiisa Germany ayaa Axadii shaaciyay in Milan ay doonaysay saxeexa Boateng balse warkaas ayaa noqday mid soo dhammaaday kaddib heshiiska ay kula wareegeen Kjaer.

Dhinaca kale isla il wareedka Sky qaybtiisa UK ayaa ku dooday in Bayern ay ay u ogolaan doonto Boateng inuu baxo bishan January haddiiba ay ku helayso lacag 15 Milyan ah.

Advertisements


Arsenal ayaa marka hore cadaadis weyn kala kulmaysay Milan sababtoo ah in kooxda ree London aysan doonayn bixinta wax lacag ah oo ay kaliya qaab amaah ah ku doonayso 31 sano jirkan.

Wargeyska Talyaaniga ah ee Calciomercato ayaa sidoo kale xusay in gabi ahaanba uusan haatan bart-tilmaameed u ahayn Boateng Milan walow aan la shaacinin sababta ay uga hadhay tartankiisa ee ay u dooratay Kjaer.

Mid kamida sababaha koox kasta ku adkayn kara helitaanka Boateng ayaa ah mushaharka uu dalbanayo ee aadka u sarreeya oo ah 230 kun oo Yuuro toddobaadkii.

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR