Midowga Afrika oo dowladda Somaliya ku wargeliyay inay sameysato ciidan ku filan

Shir lagu soo gaba gabeeyay magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayna ka qeyb galeen Taliyeyaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Guddiga amniga iyo siyaasadda ee Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Hay’adaha daneeya Soomaaliya ayaa looga hadlay qorshaha AMISOM ay uga baxeyso Soomaaliya inta u dhaxeysa 2019 ilaa 2021ka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday waddamada kala Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda  iyo Zambia.

Waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga amniga iyo siyaasadda Midowga Afrika Smail Chergui, waxaa shirkan lagu ansixiyay qorshe hawleed ay taliyaeyaasha qeybaha AMISOM ee Soomaaliya u dejiyeen habka ay AMISOM kaga baxeyso Soomaaliya, sida amaanka loogu wareejin karo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobo kale.

Shirka markii uu furmay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ka qeyb galayaasha shirka u sharraxay xaaladda Soomaaliya ee hadda jirta.

Shirka lagu qabtay Adis Ababa ayaa lagu taageeray Dukumiinta lagu diyaariyay qorshe howleedka AMISOM kaas oo shirar looga hadlayay lagu qabtay Muqdisho iyo Nairobi.

Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay ayaa ah in la taageeray Dukumiintigaas, sidoo kalena loo gudbinayo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey si ay dood uga yeeshaan qorshe howleedka una meel mariyaan.

Waxaa kale oo shirkaasi qodobada ka soo baxay ka mid ah in Dowladda Federaalka ah laga dalbaday in ay dhisato ciidan tayo leh oo ku filan, kuwaas oo ammaanka dalka kala wareegi kara howlgalka AMISOM marka la gaaro sanadka 2021ka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR