Midowga Musharaxiinta oo ku dhowaaqay dibadbax kale maalinta Jimcaha ee soo socda.

Midowga Musharaxiinta oo ku dhowaaqay dibadbax kale maalinta Jimcaha ee soo socda.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa mar kale ku baaqay inay qabanayaan bannaanbax nabadeed oo ka dhacaya taalada Daljirka Dahsoon. Hadalkan ayey kaga dhowaaqeen shir saxaafeed ay maanta ku qabteen Muqdisho.

Bannaanabaxii ay hore ugu dhowaaqeen musharraxiinta maalintii Jimcaha ee 19-ka Febraayo ayaye hadheeyeen iska horimaadiyo rasaas ka dhacday magaalada.

Dawladda Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore joojisay isu imaatinnada ayada oo taasi ku sababaysay ka hrotagga faafitanaka xanuunka COVID-19.

Dhinaca kalena, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dhowayd soo saartay war saxaafadeed ugu baaqay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland inay kasoo qaybgalaan shirarka ka socda Muqdisho ee lagu dhamaystirayo heshiskii 17-ka Sebtember.

Previous articleKhilaafka Doorashada: Heshiis ma laga gaari karaa iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay maqan yihiin?

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR