Miisaaniyadda qaranka, heshiisyada maalgashi iyo duruufaha shacabka Somaliland ma yihiin qaar is leh! (WQ: Maxamed Cabdi Jaamac “Dhimbiil”)

Miisaaniyadda qaranka, heshiisyada maalgashi iyo duruufaha shacabka Somaliland ma yihiin qaar is leh! (WQ: Maxamed Cabdi Jaamac “Dhimbiil”)

Miisaaniyada qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka cashuur ururinta dalku waa in ay yihiin qaar si dhab ah maslaxada iyo danta bulshada ugu fadhiya isla markaana uu dareemi karo qof kasta oo muwaadin ahi isbadelka ku yimaada iyo kor u kaca dakhli ee soo galay dalkiisa.

Muwaadiniintu marka lagu waajibiyo cashuuro iyo takaaliif waa in uu xeer jideeyaa ,  waliba waa in ay danta iyo maslaxada dadka ku fadhidaa cashuurtaasi sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 14naad.

Haddaba maanta cashuuraha la qaado miyaa loo eegaa danta iyo maslaxada bulshada , sidoo kale cashuuraha laga qaado dadka dhamaantood ma xeer baa jideeyey?

Waxa hubaal ah in dawladu marba marka ka dambaysa aad moodo in ay cashuuraha iyo culeyska bulshadu kor u sii kacayaan, sidaasi ayuu waliba wasiirka maaliyadu ku andacoonayey in aan cashuuraha wadamada jaararka aad uga hooseyno aniga oo aan jeclayn in uu tusaaleba inoogu soo qaato.

Waxa kale oo layaab ah in wasaarad kastaa ay doonto in ay lacag qabato , taasi oo shuruucda dalka iyo nidaamka ka hor imanaysa marka laga reebo cashuuraha dawladaha hoose oo iyagu leh gole u jideeya kana madax banaan dawlada dhexe laakiin iyaguna waa in aanay ka hor iman dastuurka dalka oo ay danta dadka yihiin qaar ku fadhiya.

Muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland waxa ay isweydiinayaan miisaaniyada qaranku maalintii ay 30 milyan ahayd iyo maanta oo ay 300 milyan ku dhow dahay maxaa isbadel ah ama nolol wanaagsan ah ee idinku soo kordhay ? Waa su’aal sax oo ay tahay in jawaab ku filan loo helo.

Somaliland mashaariic badan oo lacagtii umada la galiyey xiligani wax looga baahnaa ma jirin,  sida madxafka lagu sheegay taariikhda ayaa lagu kaydin doonaa , madaxtooyada cusub ee la dhisayo iyo waxyaabo badan oo aan sidaasi usii muhiim aheyn,  waana aragti la’aanta sameynta miisaaniyad ku fadhida duruufaha iyo waayaha dalka.

Miisaaniyadu qaranku waa in ay noqotaa mid ka turjumeysa adeegyada iyo baahiyaha dadka jamhuuriyada Somaliland ay qabaan, iyo waliba sida ay u kala muhiimsan yihiin , dadka jamhuuriyada Somaliland biyaha iyaga ayaa iibsada, caafimaadka iyaga ayaa iska bixiya , waxbarashada iyaga ayaa iska bixiya , ma haystaan wadooyin wanaagsan, kuwa miyiga joogaa xoolahooga iyaga ayaa daweysta , beerahoogana iyaga ayaa ka shaqeysta.

Waxa aad isweydiinaysaa dawladu maxay u qabataa dadka , waxa ugu weyn ee dawladu sheegtaa waa in ay nabadgalyada ilaaliso, hadana nabadaasi kuma filna oo dadku iyaga ayaa hantidooda lacago kale ku bixiya si loogu ilaaliyo , sababta oo ah dawladu kuma filna amnigooda.

Marka ay duruufahani oo dhami jiraan ayaa hadana aynu is mahadinaynaa oo aynu sheeganaa in aynu meel wanaagsan marayno , waxa aan ka mid ahay dadka saluugsan in nidaamka dawladnimo ee hadda jira uu leeyahay dhaliilo badan oo hadii uu sidan ku sii socdana isagu is dabri doono.

Waxa wax lala yaabo ah oo uu wasiirka maaliyada jamhuuriyada Somaliland qiray in ay Somaliland lacagta ugu badani amniga kaga baxdo oo 35% miisaaniyada qaranka jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku baxdaa nabadgalyo, ma xuma oo Somaliland waxa ay ku taalaa gobol aan nabdoonayn argagixiso jirto,  colaado iyo dagaalo qabaail ilaa qaar heer Gobolka Geeska Africa ahi ay dhacaan , laakiin waa in ay dhaqaalahaasi xaaladaha Gobolka iyo kuwa dalka uun la socdaa.

Tusaale marka gobolku xasiloon yahay ee aanay dagaalo dhicin, lacagihii loo qorsheeyey gurmadka deg-dega ah iyo xaaladaha dheeraadka ah waa in ay qaranka u baaqdaan si loogu daro hawlaha kale ee horumarka iyo waxqabadka ah ee qaranku u baahan yahay , laakiin ma dhacdo meel ay mareena lama yaqaano.

Waxa intani dheer in aduunku dhaqaale badan ku bixiyo hawlaha dib u dhiska iyo dawladnimada oo qaranka jamhuuriyada Somaliland laga kabo wax badan ilaa hadda, marka hadaba aad isku eegto dalka iyo dadka Somaliland iyo xaaladaha ay ku jiraan iyo waliba dhaqaalaha uu caalamku ku tabaruco maaha qaar aad uga muuqda horumarka dalka iyo dadka .

Waxa kale oo dalka ka socda mashaariic maalgashi iyo heshiisyo maalgashi oo lala galay shirkado caalamiya oo ay dawladihii kala dambeeyey la saxeexdeen heshiisyadani dhamaantood waa qaar u baahan dib u eegis iyo in bulshada laga hubiyo in ay dan yihiin , heshiisyadaasi waxa ka mid ah kuwa shirkadaha khayraadka soo saara lala galo , kuwa lagu wareejiyey kaabayaasha dhaqaale ee dalka , kuwa hawada iwm.

Waxa hubaal ah in baahi weyn loo qabo in la helo goleyaashii isla xisaabtanka ee xukuumada kula xisaabtami lahaa hawlaha ay waddo iyo heshiisyada ay gashay in ay yihiin qaar dalka iyo dadka dan u ah , sidoo kale ka eegi lahaa miisaaniyada qaranku in ay si dhab ah uga turjumeyso baahida iyo duruufaha shacabka jamhuuriyada Somaliland qabaan.

Mohamed Abdi Jama

Hogaamiye Mohamed Dhimbiil

+252634429221

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR