Mikel Arteta Oo Kashifay Labada Kulan Ee Ugu Muhiimsan Xilli Ciyaareedka Kooxdiisa.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay muhiimada labada kulan ee soo socda ee ay kooxdiisu ku ciyaari doonto Emirates.

Gunners ayaa u baahatay wakhti dheeri ah si ay ugu soo baxdo wareega 4-aad ee FA Cup-ka kulankii Newcastle laakiin 4 kulan oo guul ah ku gaadhay garoonkeeda.

Arsenal ayaa mar kale Emirates ku marti galin doonta kooxda Crtstal Palace ka hor inta ayna mar kale marti galin kooxda Newcastle Isniinta dambe.

“Waxan u malaynayaa in labada kulan ee soo socda ay muhiim u yihiin mustaqbalka xilli ciyaareedkeena”.

“Waxa soo socda kulamo badan laakiin qaar ayaa ka muhiimsan kuwa kale gaar ahaan kulamada garoonkeena waa in aan gaadhno guulo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR