Mikel Arteta Oo La Xidhiidhay Xiddig U Ciyaara Barcelona Si Uu Ugu Qanciyo In Uu Yimaado Arsenal.

Wararka ka imanaya dalka France ayaa sheegaya in uu tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta la xidhiidhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitić Si uu ugu qanciyo in uu ku soo biiro kooxdiisa xagaaga.

Wargayska Le10 Sport ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta xiddiga reer Croatia la xidhiidhay si uu ugu qanciyo in uu yimaado Emirates inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Mustaqbalka xiddiga Ivan Rakitic ee Barcelona ayuu shaki weyn ku jiraa waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa xitaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga reer Croatia marka uu dhamaado xilli ciyaareedka champions League.

Arteta oo xiddiga khabiirka ah u arka mid munaasib ku ah qorshihiisa hadii ay noqoto dhanka dhaqaalaha oo lacag jaban lagu heli karo ama in uu khibrad fiican u leeyahay kubada cagta.

Kadib ku guulaysigii Arsenal ee FA Cup-ka tababare Arteta ayaa si shaqsi ah ula xidhiidhay si uu ugu qanciyo in uu yimaado Emirates xagaagan.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR