Militariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Sarakiisha
Ciidanka Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in degaanka
daynuunaay oo qiyaastii 18km magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ku
dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kadib markii ay soo weerareen
ciidanka.

Taliyaha Qeybta
60aad ee ciidanka Militariga 
Soomaaliya Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo warbaahinta la
hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab uu khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay
dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Jeneraal
Maxamed Shiikh ayaa tilmaamay in Alshabaab ay ka ka dileen ku dhawaad 12 ka
tirsan dagaalamayaasha Alshabaab isaga oo sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen
tira intaas ka badan.

Shalay ayay aheyd markii degaanka Deynuunaay ee gobolka Baay uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Alshabaab kaas ay guulo ka sheegteen ciidamada Milatariga Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR