Min Fashilka Ed Woodward Ee Burno Fernandes Ilaa Ceebtii Anfield Ku Soo Gaadhay-Akhriso Shanta Arimood Ee Todobaadkii Jamaahiirta United Xumeeyay.


Advertisements


Marnaba wax sahlan uma aha jamaahiirta kooxaha Liverpool iyo Manchester United in ay guuldaro la kala kulmaan, waxayna hadda taageerayaasha United dareemayaan dhawr xanuun oo isbarkan oo ay guuldarada Liverpool ugu danbaysay.

Tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa guuldaradiisii ugu horaysay kala kulmay Jurgen Klopp intii ay kooxaha Man United iyo Liverpool kala hogaaminayeen balse saamaynta guuldaradan ayaa ah mid wayn.

Jamaahiirta Manchester United waxay sii xoojiyeen ololihii ay ku doonayeen in Ed Woodward kooxda laga caydhiyo waxayna u muuqdaan kuwo hadda ka leexday tababare Ole Gunnar Solskjær oo ay ku daaleen dhaliishii ay u hayeen.

Haddaba waxaa jira ilaa shan arimood oo jamaahiirta Man United todobaadkan ka dhigay mid ayna marnaba jeclaysan doonin waxayna eeda ugu badan dusha ka saarayaan Woodward iyo mulkiilayaasha United.

Taageere Man United ah oo la soo xidhiidhay barnaamijka tooska ah ee BBC 5 Live ayaa cadho wayn kula dhacay Woodward iyo qoyska mulkiyada Man United iska leh.

Taageerahan ayaa waxaa hadalkiisii cadhada lahaa ka mid ahaa: “Ed Woodward waxaa qasab ku ah in uu caawa is casilo… Waxaanu doonaynaa in ay kooxda ka baxaan qoyska Glazers. Waxay si indho la’aan ah u boobayaan kooxda”.

Hadalkani ma aha mid ku kooban taageeraha nasiibka u helay in uu barnaamijkan ka soo hadlo, balse waa aragti dhab ah oo ay taageerayasha United ka midaysan yihiin.

Haddaba maxay yihiin shanta arimood ee todobaadkii taageerayaasha United ka dhigay mid madow oo ayna kubbada cagta raaxo ugu dareemi karin?

Ugu horayn waxay taaageerayaasha United ka cadhaysan yihiin fashilka kooxdooda ee saxiixa Bruno Fernandes kaas oo ay wada hadalkii United iyo Sporting Lisbon isku taageen dalabka hooseeya ee uu Woodward miiska saaray.

Kadib waxaa cadhada jamaahiirta United sii laba jibaaray markii uu da’yarka Haaland oo uu Woodward saxiixiisa ku fashilmay saddexley ku dhaliyay 20 daqiiqo kulankiisii ugu horeeyay ee Borussia Dortmund.

Markii uu Haaland saddexleyda u dhaliyay Dortmund kadib 23 daqiiqo oo uu ciyaaray, waxay jamaahiirta United cadho kula dhaceen Woodward oo ay fashil ku tilmaameen.

Intaas kadib waxaa todobaadkii United sii xumeeyay markii uu Ole Gunnar Solskjær xaqiijiyay in Marcus Rashford uu soo gaadhay dhaawac halis ahi isla markaana la filayo in uu muddo 2 bilood ah garoomada ka maqnaan doono.

Jamaahiirta Manchester United ayaan wax farxad ah helin waxayna xaaladu ku sii xumaatay markii ay Liverpool guuldaro 2-0 ah soo baday kooxdooda United.

Waxaana qodobka shanaad ah in ay hadda jamaahirta United arkayaan kooxda ay aduunka ugu neceb yihin ee Liverpool oo 30 dhibcood ka saraysa kooxdooda Man United iyada oo waliba Reds ciyaartay 22 kulan oo kaliya halka United ay 23 kulan ciyaartay.

Shanta Qodob Ee Xaalada Jamaahiirta United todobaadkan sii xumeeyay:

1-Wada hadaladii Bruno Fernandes oo u joogsaday dalabkii Woodward.

2- Sadexleydii Haaland iyo xusuusta qaabkii uu Woodward da’yarkan ku dayacay.

3- Dhaawaca halista ah ee uu Solskjaer xaqiijiyay in uu Marcus Rashford muddo la maqnaan doono

4- In Man United ay guuldaro ka soo gaadhay Liverpool

Advertisements


5- In Guuldaradii Liverpool sabab u noqotay in Man United ay 30 dhibcood ka hooayso Reds.

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR