Mohamed Salah oo kusoo laabtay tababarka xulka qarank Egypt.

Weeraryahanka xulka qaranka dalka Masar iyo kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa si buuxda ugu qayb qaatay tababarka xulka qaranka dalka Egypt.

Egypt ayaa ku jira tababarkii ugu dambeeyay ee ay siugu diyaarinayaan koobka adduunka xilli kullankooda ugu horreeya ay ciyaari doonaan maalinta Jimcaha iyagoo wajahaya xulka qaranka ee dalka Uruguay.

25-jirkan ayaa maanta waxa uu si dhammeystiran saaxiibbadiis kala qayb qaatay tababarka xilli xiriirka kubadda cagta ee Masaarida ay sheegeen inuu taam u yahay inuu ciyaaro kullmada ugu horreeya ee koobka adduunka.

Salah ayaa dhaawac daran uu kasoo gaaray garabkiisa bidix intii lagu guda jiray ciyaartii kama dambeysta tartanka Champions League-ga ee ka dhacday magaalada Kiev iyadoo kooxdiisa Liverpool lagu lagday 3-1 oo ay guushu raacday Real Madrid.

Kabtanka Los Blancos ayaa si adag u raacay wiilkii hore ee Chelsea taasoo qasabtay in labada xiddig ay dhulka ku wada dhacaan balse ay jug xun garabka bidix ka gaartay Salah.

Maamlihii ugu horreeysay ee dhaawiciisa, waxaa si aad ah loo hadal hayay inuu seegi doono kullmada ugu horreeya ee koobka adduunka, balse laacibkan ayaa soo kabasho adag sameeyay isagoo horraan daaha kaga rogay inuu taam yahay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR