Mourizio Sarri Oo Shuruuddan Kuxiray Noqoshada Tababaraha Xiga Ee Chelsea.

Maurizio Sarri oo usheegay Roman Abrahamovic in uu kaliya qaban doono shaqada Chelsea haddi ay kooxdu sii haysato xidigaha kala ah Eden Hazard iyo Willian.

Sarri ayaa ah mid wali usharraxan in uu shaqada ka baddalo macallinka waqtigan ee kooxda reer London Antonio Conte inkasta uu waqtigan labilaabay kooxda tababarka ay isugu diyaarinayso ciyaaraha loogu diyaar garoobayo ololaha soo aaddan.

Hazard ayaa loo saadaalinayay in uu baddal unqodo Cristiano Ronaldo oo isaga dhaqaaqay Real Madrid, halka Willian lala xiriirinayay in uu dib ula midoobo macallinkiisi hore ee Jose Mourinho kaas oo majaraha u haya waqtigan Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Sarri uu usheegay kooxda in labadan xidig ay yihiin lama taabtaan isagoona carabka ku adkeeyay inuusan qaban doonin shaqada Chelsa haddii ay iibiso midka kamida xidigahan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR