Mucaaradka Kenya oo shuruudo adag ku xiray ka qeybgalka doorashada ku celiska ee madaxtinimada

Nairobi (RBC Radio) Isbahaysiga mucaaradka dalka Kenya ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa shuruudo adag ku xiray ka qeybgalka doorashada madaxtinimada ee ku celiska ee lagu wado in bisha danbe ay ka dhacdo dalka Kenya.

Warqad ay gudbiyeen siyaasiyiinta isbahaysiga mucaaradka oo loo diray guddiga doorashada Kenya ayay mucaaradka ku dalbadeen in la ceyriyo qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee maamulka guddiga doorashada iyo in qandaraaska laga joojiyo shirkad fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Al-Ghurair taasoo so daabacday waraaqihii lagu galay doorashoo bishii hore Kenya ka dhacday.

Isbahaysiga mucaaradka ee NASA (National Super Alliance) ayaa sidoo kale dalbaday in la bedelo saraakiisha doorashada ee 290 degmo oo Kenya ay ka kooban tahay iyo in korjoogtada doorashada kormeereysa ee gudaha la siiyo saxiix inay ku yeeshaan waraaqaha natiijada doorashada ee heer deegaan laga soo gudbinayo.

Raila Odinga oo saxaafadda la hadlay Talaadadii shalay ayaa ku adkeystay in xisbigiisu doorashada aanu ka qeybgali doonin, haddii aan la fulin shuruudahooda.

Doorashada ku celiska ayaa loo madliyay inay dhacdo 17ka Oktoobar, ka dib markii horraatii bishan Maxkamadda Sare Kenya ay burisay natiijada doorashadii dhacday bshii Agoosto 8deedii, taasoo ay maxkamadu ku sheegtay inay khaladaad badan ka buuxeen, isla markaana madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay.

Doorashadan ku celiska ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxweynuhu Kenyatta iyo musharraxa mucaaradka Odinga.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR