Musharrixiinta madaxweynaha Hirshabeelle oo Baarlamaanka khudbad u jeedinaya

Jowhar (RBC Radio) Musharrixiinta xilka madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta khudbad u jeedinaya Baarlamaanka,kaddib marki galinkii dambe ee shalay la siiyay musharrixiinta doorashada ka qaybgalaya shahaadooyinka musharaxnimo.

Musharrixiinta doorashada ka qaybgalaya oo gaaraya ilaa siddeed  ayaa la filaya in Baarlamaanka uu ka dhageysto khudbadooda musharrax-nimo oo ay ku soo bandhigayaan waxa ay qaban karaan iyo shaqsiyadooda,waxaana la sheegay in labo xubnood loo qaybiyay oo maanta afar musharrax laga dhageysan doonno khudbadda.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay xalay inay soo xaadiraan hoolka baarlamaanka iyadoo khudbada ugu horeyso uu jeedin doono Musharax Cabdi Faarax Laqanyo.

Munaasabad gelinkii dambe ee shalay xarunta guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabelle, ka dhacay ayaa musharixiinta lagu gudoonsiiyay shahaadooyin musharaxnimo, waxaana guddiga uu sheegay in masharixiinta ay dhameystireen dhammaan shuruudaha,kuwaaso kala ah.

1- Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.

2- Cabdikariin Cali Nuur.

3- Daahir Cabdulle.

4- Maxamed Cabdi Waare.

5. Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabageed)

6- Cabdinaasir Shirwac Maxamed

7- Maxamed Caruush Diirow

8- Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

16-ka bishan oo ku beegan maalinta sabtida, ayaa lagu wadaa in magaaladda Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad-gobolleedka Hirshabeell,doorashada ayaana noqoneysa midii labaad markii dhawaan uu Baarlamaanka xilkii ka qaday madaxweynihii hore ee dowlad-gobolleedka Cali Cabdullaahi, oo lugu eedeyay shaqo gudasho la’aan.

__

RBC Radio

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR