MUSIIBO: Bayern Munich Oo Ay Dhibaatooyin Dhaawac Ku Bilowdeen Ka Hor Kulanka Real Madrid & Vidal Oo Loo Badinayo Inuu Seegayo Kulankaas.

Kubad burburiyaha Bayern Munich Arturo Vidal ayaa lagu soo waramayaa in qaliin looga sameyn doono jilibka kadib markii ay dhibaato soo gaartay xilli uu ku guda jiray tababarka caadiga ah ee kooxda sida uu xaqiijiyay tababare Jupp Heynckes.

Gambaleelka ayaa ku yeeray jamaahiirta Bavaria kadib markii loo sheegay in Arturo Vidal uu dhaawac ku seegi karo kulanka muhiimka ah ee Real Madrid kadib markii uu dhaawac soo gaaray iyadoo aysan qofna taaban intii uu sameynayay tababarka kooxda kadib guushii Borussia Monchengladbach.

Jupp Heynckes wuxuu qiray ineysan qofna taaban Vidal balse uu jirkiisa xakameyn waayay taasoo keentay iney waxyeelo kasoo gaarto jilibka xilli uu saxaafadda la hadlayay.

“Wuxuu u baahan yahay hawl yar, wuxuuna maqnaan doonaa mudada arinkaas laga shaqeynayo” ayuu yiri mar kale Jupp.

Jupp sidoo kale wuxuu qiray inuu kalsooni ku qabo Vidal inuu soo kabsan doono hadana xidiga reer Chile uu yahay dagaal yahay mar walba kalsooni buuxda naftiisa ku qaba.

25-ka April ayey Bayern Munich soo dhaweyn doontaa kooxda Madrid kulanka lugta hore wareega semi final-ka halka lugta labaad 1-da May lagu ciyari doono Santiago Bernabue.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR