Muslimiintii lagu laayay New Zealand oo maanta loo sameeyay Baroor-diiq Qaran

Christchurch (PP) ─ Dalka New Zealand, ayaa maanta si toos loo baahiyay aadaana iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo aadaanka si toos ah looga maqlo dibada masjidka, waxaana dalkaas oo dhan laga aamusay muddoo laba daqiiqo ah si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo.

Arrintan oo lagu beegay Salaaddii
khudbada ee maanta ayaa qayb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo
wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii
lasoo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha NZ, Jacinda
Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroor-diiqayay meel u dhaw
masaajidka Al-Nuur oo ahaa masjidkii ay ka dhaceen khasaarihii ugu badnaa ee
toogashada.

Imaam, Gamal Fouda oo
salaaddii jimcada ee maanta Tujiyay muslimiinta ayaa yiri. “Qalbiga ayaa naga
jabay balse innaga oo dhan ma aynaan jabin.” Isagoo sheegay inaysan tallaabadii
foosha xumayd ee lagula kacay niyad-jabin doonin.

Sidoo kale, Illaa 50 muslimiin
ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan labada masaajid u geystay 15-kii
bishan, xilli ay dadkaasi ku guda jireen salaaddii jimcaha, halka tiro kalena ay
dhaawacmeen.

Ninka falkan geystay oo lagu
magacaabo Brenton Tarrant ayaa u dhashay dalka Australia, waxaana lasoo taagay
maxkamad iyadoo lagu eedeeyay inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in
dacwado kale lagu soo oogo.

Khamiista lasoo dhaafay ayay Ra’iisul
Wasaaraha NZ, Jacinda Ardern amar ku bixisay in dalkeeda laga mamnuuco guud
ahaan hubka daran-daroorriga u dhaca oo uu adeegsaday ruuxii falkaan naxdinta
leh geystay.

Dhanka kale, Dad gaaraya
kumannaan qof ayaa isugu tagay fagaare u dhaw masjidka Al-Nuur, si ay u xusaan
Jimcada Qaran ee kasoo wareegtay markii uu dhacay falkii lagu laayay dadka. Waxaana
Telefishinnada dalkaas maanta laga baahiyay salaaddii jimcaha.

Ugu dambeyn, Khudbad ay
jeedisay Ra’iisul Wasaaraha NZ, Ardern ayay ku sheegtay in New Zealand ay la
barooranayso muslimiinta dalkaas, aysanna ogolaan doonin in fal noocan oo kale
ah uu mar dambe ka dhaco dalkeeda, iyadoo tusaale u soo qaadatay sida ay
Muslimiintu isugu damqadaan marka ay dhibaato ku dhacdo.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR