Musuqmaasuqa xad dhaaf-ka ah ee kajira safaaradaha Soomaaliya ee caalamka

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, aqristoow safaaradaha Soomaaliya waxbadanoo kamid ah musuqmaasuqa xad dhaafka ah ee kasocda, weey kadharagsan yihiin ardeyda, ganacsatada, iyo qoysaska dalalkaa jooga, mahubo in dowlada dhexee loowada dhanyahaye hadda jirtaahi, sidaa si la mid ah iyana uga dharagsan tahay.

Aan toos ugalee anigoon wadamo gaar ahna tilmaamin, hadana dalalka qaar ee safaaradaha aan kuleenahay, waxeey bixiyaan deeq-waxbarasho/Minxooyin/Scholarships, ama hadaan sikale udhahno, waxbarasho lacag la’aan ah, oo nuuckasta isugu jirta.Waxbarashadaas lacag la’aanta ah, waxaa loogu deeqay ummadeena Soomaaliyeed, ee dhibka dagaalka sokeeye uu haleelay. Waxaana loogu dhiibaa safaaradaha dalalkaa inooga wakiiilka ah.

Meeshii ummada Soomaaliyeed, si xalaal ah, oo cadaaladi kujirto, lagusoo gaarsiin lahaa, ayaa nasiibdarro! Waxaa gatoo booba, dhaqaalana kasameeya deeqdaa waxbarasho, ee loogu talagalay ardeyda Soomaaliyeed, safiirka, kuxigeenkiisa, iyo inta sida hoose ugala shaqeeysa. Waxaa deeqdaa waxbarasho lagu gataa, qiimo kala duwan, waxaana loogadaa, qaab qabyaaladeed, mararka qaarna, sida loo kala dhaqaale badanyahay.

Tusaale ahaan; kuraasta deeqda waxbarasho, ee caafimaadka (Medicine), waxaa lagu kala gataa, inta udhaxeeysa: Lix kunoo doolar-Illaa-toban kunoo doolar ($6000-to-$10,000). Kuraasta Injineerinka (Engineering), iyana waxaa lagu kalagataa: Sadex kunoo doolar-illaa-lix kunoo doolar ($3000-to-$6000). Taqasusyada kalee waxbarasho, sida shareecada, ganacsiga, dhaqaalaha, arimaha qaanuunka, saxaafada……iwm iyaga waxa lagu kala gataa: Kun iyo shan boqoloo doolar-illaa-sadex kunoo doolar ($1500-to-$3000).

Waxaa intaa kuusiidheer, in kuraasta ama boosaska deeqaha waxbarasho, ee sanadkasta dowladahaa bixiyaan, aaneey aheyn hal iyo labo kursi, oo xaqiiqdii tira badan yihiin. Nasiibdarro! Dhaqaalahaa ardeyda Soomaaliyeed, ee masaakiinta ah laga qaado, masoogaaro dowlada Soomaaliya, oo jeebka shaqsiyaad gaar ah, ayey si toos ah ugu dhacdaa, sida: Safiirka, Kuxigeenkiisa, iyo inta ka agdhow.

Waxaa intaa kuusii dheer, marka kuraastaa madaxda safaaradu isla gataan, lacagtana sida eey hore ugu heshiiyeen ukala qeybsadaan, ayaa hadana waxaa jira, kuraas dheeri ah, oo eey uqaraab tagaan. Waxaa jira wadamo qani ah, sida Carabta guud ahaan, gaar ahaana kuwa Khaliijka, kuwaasoo kahela sanadkasta, deeqo waxbarashoo aaneey ubaahneyn. Qaar kamid ah safaaradaha Soomaalida, oo arintaa kadharagsan, ayaa uqaraab iyo lufluf taga safaaradaha dalalkaa, si kuraastaa wadamadaa kale aaneey ubaahneyn ugasoo qaataan, iyagoo kusoo tuugsanaya, in dalkeenu burburay, xarumihii waxbarshoo dhanna inaga baaba’een, cidkastana aan uga baahi badannahay deeqahaa waxbarasho, sidaa daraadeedna ummada Soomaaliyeed lasiiyo, kuraasta deeqahaa waxbarasho. Marka lasoo siiyana, nasiibdarro! Waxeey sidaa si lamid ah, hadana uga gadaan ummadii Soomaaliyeed, ee madaxooda, iyo magacooda deeqahaa waxbarasho, eey kusoo qaadeen, iyagoo uga iibinaya, qaabkii iyo qiimihii aan hore usoo sharaxnay.

Safaaradaha marka eey sidaa uga gadanayaan, ummadeena Soomaaliyeede tabaaleeysan, kuraasta deeqihii waxbarasho, ee iyaga loogu talagalay, waxeey ku andacoodaan, in dhaqaalahaa eey ukaashanayaan qarashaadka safaarada, sida: Korontada, biyaha, ijaarka guriga iyo mushaarka….iwm. Hadana qaarkoodbaa guryo waaweynoo dibadaha ah kadhistay. Waxaase xusid mudan, in safaaradaha qaar waxkastoo qarashaad ah, eey kabixiyaan dowladaha eey inoo fadhiiyaan. Taasoo masiibo qaran inoo keentay. Halkan kafiiri qormo aan arintaa kasameeyney.

Sababta kuqasbeeysa Ummadeena Soomaaliyeed, ineey safaaradahaa kagataan kuraasta deeqda waxbarasho, ee magacooda lagusoo qaaday, looguna talagalay in lacag la’aan, si cadaalad ah loogu qeeybiyo ayaa ah, waa marka koobaade, hadii eeysan lacagtaa bixin, cidkaloo bixineeysa ayaa hore looga gadanayaa, cid waxkaqaadeeysa madaxdaa safaaradaana, aaneey hore ujiri, sidii burburkaba udhacay, waloow hadda xaalku isasoo badalayo, oo eey muuqato in safaaradaha eey laxisaabtameeyso xukuumada Nabad iyo Nolol. Tusaale waxaa inoogu filan, arintii kadhacday safaarada Suudaan. Tan labaad hadii aad dhahdo si shaqsi (Private), ayaan isaga bixinayaa, dadka intiisa badan ma awoodi karaan, maxaayeelay booska caafimaadka, marka aad wadamada qaar, adiga qarashka iska bixineeyso sanadkii, waxaa laga yaabaa, in lagu dhoho iskabixi sanadkii: Kow iyo labaatan kunoo doolar ($21,000/year), sidaa daraadeed, waxaa ummada udhib yar, ineey waxoo dhan iska bixiyaan, inta udhaxeeysa: Lix kunoo doolar-illaa-toban kunoo doolar ($6000-to-$10,000). Wixii intaa kadambeeyana qarashaadka nolosha (living cost)  ardeyga,  waalidka iska bixiyo, waloow eey xaq ugu lahaayeen safaarada, in si lacag la’aan ah lagusiiyo deeqda waxbarsho.

Waxyaabaha ugu calool xumada badan, ayaa waxaa ka mid ah, sida safaaradaha qabyaalad ugu bixiyaan kuraasta deeqaha waxbarasho, maxaayeelay iyadoo dadka lacag wax looga wadagadayo, ayaa hadana labadii qofoode lacagta wada bixin lahaa, midkood lacagta looga qaadayaa, oo lagu hormarinayaa oo lagu tixgainayaa qaab qabyaaladeed. Waxaa sidoo kale dhacda, in qof saf (Line) mudo sanado ah kujiray, oo sugayey ineey usoo baxdo deeqdaa waxbarasho, laga hormariyo qof hada cunigiisa dugsigii sare soodhameeyey, balse dhaqaale hoogan heeysta, bixinayana lacag kabadan tii lagula heshiiyey, qofkaa safka sanadaha kujiray. Nasiibdarro! Cid uu uga dacwoodo malaha, maxaayeelay marka horaba, warqad cadeyn ah lagama siinayo lacagtii uu bixiyey.

Waxaa sidoo kale jira, dadka tahriibayaasha ah, ee qaab mukhallasnimo ah safaaradaha ugu soosaaraan, dhaqaalana uga qaataan, fiisooyinka dalalkaa eey kusoo dhexmarilahaayeen. Safaaradaga qaar waxaa lagu eedeeyaa ineey xitaa kaganacsadaan Soomaalida kuxiran dalalkaa eey joogaan.Kabasii darane, qaarbaa ganacsato usoo galiya dalalkaa badeecooyin kotorabaan ah.

Talooyin soojeedin (Recommendations)

Safaaradaha isu badalay dhiig-miiratada, mukhallasiinta, iyo kuwo kaganacsada kotorabaanka, fadlan dowlada hadda jirta, gaar ahaan Wasaarada Arimnaha Dibada Soomaaliyeed, wax hakaqabato, arimahaa oo dhanna, marka hore si dhab ah ha ubaarto, xaqiiqda marka eey ogaatana, si dhab ah, oo degdeg ah wax ha uga qabato. Maxaa yeelay Ummada Soomaaliyeed iyagaa ka mas’uul ah, iyaga cid aan aheyn, oo eey sugayaana majirto.  Mahadsanidiin.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).
Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.
abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR