Muuse Biixi waa midnnimo raadis (WQ: Maxamed Aadan Tarabbi)

Fekerka ah Soomaalilaan inay go’do waxa sal u ah oo aynu isku ogayn dadkana u sheegi jirnay wuxuu ahaa:

-In Koonfuri Madaxweynahii, Raysalwasaarihii, Raysal Baarlamaankii, labadii Janan wada qaadatay.

– In Karaamadii reer Woqooyiga meel lagaga dhacay oo la yasay.

– In la ina Xasuuqay (Beesha Dhexe)

– In Siyaad Barre uu ku xadgudbay Diinta Islaamka.

– in Ingiriis ina Ilaalin jiray oo aynu calan ka qaadannay 26-june 1960kii.

Ummadaha ilbaxnimadooda waxa laga qiyaasaa hab fekerkooda iyo sida hoggaankoodu u qeexi karayo himilo fog oo ka gaddisan wuxuu markaa arkayo amase muuqda.

27-sanno kaddib burburkii Soomaaliya iyo goonni isutaaggii Soomaalilaan ma jirto mabaadii is baddashay laakiin waxa jira duruufo isbaddalay isna baddali doona.

Duruufaha siyaasadeed ee isbaddalaya kuwa hadda inoo muuqda waxaa kamida. Xuduuddii Soomaalilaan oo si siyaasi ah meesha uga baxday gaar ahaan intii Muuse Biixi meesha la keenay. Suldaan Siciid oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Warsangali oo Sanaag Bari ula guuray si toos ah Puntland, iyo Muuse Biixi oo Ismaaciil Buubaa weydiiyey bal cidda uu ka garanayo Majeerteen iyo inuu ka ergeeyo Cabdiwali Gaas. Salaadiin Habarjeclo ah iyo Ganacsato Arab iyo Sacad Muuse isugu jira oo Puntland Muuse u diray intuba waxay caddayn u yihiin in Muuse Biixi midinnimo doon yahay ama uu hadhka la wareegi doono afarta sanno ee u hadhay si uu cid kale ugaga xuub siibto.

Cagajiidka Heshiiskii Khaatumo wuxuu ceelalyo u yahay ololaha midnnimo raadiska ee ay ku jiraan kooxda Muuse Biixi. Qaybinta waddanka ee loo qaybiyey Bari iyo Galbeed oo dhaqaalahii, cashuurtii, iyo ganacsigii reer bariga suuq looga furay Hargeysa, taas oo sababtay in waddankii dhinac ka dhismo.  Halka saami qaybsigu uu yahay Hal reer iyo reer ilaaliya dadkuna u yaqaannaan JEEGAAN.

Farriinta Edna ee ah  in haddii xukuumad la doortay oo la la hadli karo timaaddo la la midoobi karo waa farriin uu Muuse aaminsanyahay waayo Edna waa Ergeyga gaarka ah ee wada hadallada Soomaaliya u qaabilsan.

Waxa la sheegaa siyaasiyiinta Soomaalilaan waxa ugu il dheeraa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal laakiin Maxamed marka aad daraasayso 1955-2002 waxa kuu soo baxaya inuu ahaa qof caadi ah oo duruufaha siyaasadeed ku go’aan qaadan jiray sida 1960kii oo uu ku xasilay wixii markaa horyaallay iyo 1967- oo uu dhex mushaaxay korka sarana uga baxay laamihii SYL ee Dabaylaha IRIR iyo Daaroodku si dabiiciya u lulayeen, iyo sida uu ula macaamilay Maxamed Siyaad Barre oo xilal hoose u magacaabay.  1991 iyo  shirarii  Jabbuuti – amaba1993 go’aamadii uu qaatay xilligaas.

Anigu umalayn maayo in Muuse ka caqli wacan yahay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waayo duruufihii Tukaraq ayuu ku maareeyey ” Majeerteen yaa cid ka yaqaanna”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR