Muwaadiin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika..

Ganacsato Somaaliyeed ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay lagu dilay dalka Koofur Afrika ee qaaradda Afrika.

Allaha u Naxariistee waxaa magaalada Rustenburg ee waqooyi bari ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay laba wiil oo Soomaali, mid kalana waa dhaawac.

Labada wiil ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Caydaruus Maxamed Abuukar iyo Cabdullahi Maxamuud.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatadda Soomaalida, kooxo burcad koonfur afrikaan ahaa ayaa goobahooda ganacsi ku weeraray, kadibna ku dilay.

Bishan Janaayo 7-dadeedii ayaa ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah lagu dilay magaalada Capte Town, waxaana isla goobtii looga dhacay lacag gaareeysa 500,000 Rand (US $36,000).

Labadaan marxuum ayaa la filayaa in Maanta lagu aaso isla magaalada Rustenburg.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR