Muxuu Ahaa Rekoodhkii Khaaska Ahaa Ee Uu Alisson Becker Ka Barbareeyay Goolhaye David De Gea? Iyo Rekoodhkii Pepe Reina Oo Halis Ku Jira.

Goolhayaha xulka qaranka Brazil iyo kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa taariikh ka dhigaya Premier league xili ciyaareedkiisa ugu horeeya wuxuuna xalay barbareeyay rekoodh uu haystay David De Gea laakiin wali Alisson waxa uu haystaa fursad uu ku gaadhi karo rekoodhe kale oo ay goolhayayaal kale haystaan.


Kadib markii ay Liverpool xagaagii la soo dhaafay lacag rekoodh aduun ahayd ay kula soo saxiixatay Alisson Becker waxa uu markiiba sabab u noqday in ay Liverpool si toos ah ugu tartantay koobka Premier League kaas oo ay wali u dagaalamayso sidii ay ugu guulaysan lahayd.

Kadib guushii kulankii Chelsea, Alisson Becker waxa uu awooday in kulankiisii 18 aad ee Premier league ah uu shabaq nadiif ah garoonka kala baxay, waana isla tiradii shabaqa nadiifta ahaa ee uu goolhaye David De Gea ugu guulaystay gacanta dahabka ah ee goolhayaha Premier league ugu fiican xili ciyaareedkii 2017/18 kii.


Alisson ayaa haddaba iyada oo ay afar kulan u hadhsan yihiin waxa uu gaadhay xili ciyaareedkii uu De Gea ugu fiicnaa waayihiisa ciyaareed ee Premier league laakiin haddii uu kulamada soo socda shabaa nadiif ah kala baxo waxa uu gadaal iska marin doonaa De Gea.

Petr Cech ayaa wali ah goolhayaha haysta rekoodhka shabaqa ugu badan ee nadiifta ah ee Premier league isaga oo 24 kulan oo Premier league ah shabiqiisa goolal ka ilaaliyay laakiin Alisson ayaa hadda baacsanaya rekoodhka goolhayihii hore ee kooxdiisa Liverpool ee Pepe Reina kaas oo kaalinta labaad ugu jira 20 kulan oo shabaq nadiif ah uu ka sameeyay hal xili ciyaareed oo Premier leauge ah.


Alisson ayaa u baahan in ugu yaran uu laba kulan shabaqa kooxdiisa goolal ka ilaaliyo afarta kulan ee soo socda si uu u soo qaban karo Pepe Reina laakiin haddii uu ka badiyo waxa uu dhaafi doonaa rekoodhka Pepe Reina isaga oo noqon doona goolhayihii labaad ee Premier league ugu rekoodhka fiicnaa.

Jurgen Klopp oo kadib guushii Chelsea ka hadlayay saamayntii Alisson ayaa yidhi: “Waxaa jiray toban daqiiqo oo ahaa markii ay Chelsea hanaankeeda badashay, waxayna heleen fursadahooda balse Alisson ayaa noloshayada badbaadiyay. Marka intaas laga reebo waxaanu maamulnay oo aanu xukunay 80 kii daqiiqo ee ciyaarta taas oo ah waxa ugu fiican ee aad ka sheegi karto kulanka Chelsea”.

Halkan kaga bogo Goolhayayaasha abid kulamad ugu badan shabaq nadiif ah kaga ilaashaday horyaalka Premier league:

Goolhaye Alisson ayaa hadda ku sii dhawaanaya in uu ku guulaysato abaal marinta goolhayaha xili ciyaareedka premier league ugu fiican isaga oo laba kulan oo shabaq nadiif ah ka sareeya goolhayaha Man City ee Ederson oo ah kan ugu soo dhaw ee kula tartamaya gacanta dahabka ah ee Golden Glove-ka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR