Muxuu Jose Mourinho ka yiri bandhigga Pogba ee Koobka Adduunka?

Macallinka Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si aad ah ammaan kala dul dhacay xiddiggiisa Paul Pogba.

Pogba ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo kullankii ay xulkiisa France guusha ka gaareen dhiggooda Belgium.

Red Devils tababarahooda iyo laacibkooda ayaa qaybihii dambe ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay uu dhex yimid xiriir aan wanaagsaneyn.

Mourinho ayaa hoosta ka xarriiqay in Paul uu sameeyay bandhig cajiib ah, waxaana uu intaas ku daray “Pogba waxa uu noqday qof weyn, waxa uu u ciyaaray sidii qof weyn, markii aad u dhiibto masuuliyadda khadka dhexe, waa uu xakameeyaa”.

Xulka qaranka France ayaa usoo gudbay kama dambeysta Koobka Adduunka, waxaana ay sugi doonaan xulalka England iyo Belgium midkii kasoo gudba.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR