Muxuu Madaxweyne Farmaajo uga hadlay Khudbadii uu ka jeediyay shirka Jaamacada Carabta?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa dalka Sacuudiga kusoo idlaaday shirkii 29-aad ee Ururka Jaamacadda carabta oo ay ka qeybgalayeen Hoggaamiyayaasha dowladaha Carabta ee qeybta ka ah Jaamacada Carabta.

Shirkaan ayaa waxaan ka qeybgalin Hogaamiyayaasha dalalka Qadar, Sudan iyo Syria oo dhammaantood dirsaday wakiilo ku matala shirka, kuwaa oo jeediyay khudbado kala duwan oo diirada lagu saaray xiisadaha ka jira dowladaha carabta.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo kamid ah Madaxda qeybta ka ahaa shirka ayaa halkaa ka jeediyay khudbad taabaneysa dhinacyo badan oo ku qotontay arrimaha Somalia iyo guud ahaan tan dowladaha carbeed.

Madaxweynuhu waxa uu khudbadiisa diirada ku saaray arrimaha Horumarka, Amniga, Siyaasada iyo Isbedelada ay ku talaabsatay Somalia.

Madaxweynuhu wuxuu Caalamka weydiistay in la fuliyo taageerada shirarka Jaamacadda Carabta loogu balan qaaday Somalia.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay tahay dowlad ku jirta Koboc, sidaa aawgeed aysan ka maarmin taageerada dowladaha ku mideysan Jaamacada carabta ee sare u qaadi kara kobaca Somalia.

Farmaajo waxa uu tilmaamay in xiligaan Somalia ay iska soo saartay meel dhexaad, hase ahaatee ay iminka doonayaan in la dhameystiro waxyaabaha harsan ee lama huraanka u ah Somalia.

Waxaa kamid ahaa khudbadiisa ‘’Somalia wey ka gudbi doontaa halka ay joogto, waxaan saaxiibada ku jira Jaamacada carabta xasuusineynaa in Somalia ay u taagan tahay isbedel cusub’’

Dowladaha Carabta ayaa isku raacay in la dardar geliyo dadaalada lagu doonayo in xal siyaasadeed lagu dhameyo xiisada ka aloolsan dalka Siiriya, waxayn si weynu cambaareeyeen hubka Kiimikada ah ee loo adeegsaday rayidka.

Sidoo kale, war-muriyeedka shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Dowladaha Carabta ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga guuleysato ururka Al-shabaab.

Geesta kale, shirka dhamaadkiisa ayaa waxaa halkaa wadahadal uga furmay dowladaha Somalia iyo Sacuudiga oo waayadan isku hayay arrimo Siyaasadeed oo xiisado badan dhaliyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR