Nafiisa Yuusuf Maxamed: Shakhsi calanka u sidda ololaha xuquuqda haweenka ee somaliland

Qofka booqda Nafiisa Yuusuf Maxamed, inta aanu gudahaba u gelin xafiiskeeda, wuxu si buuxda u fahmayaa fikradaha ay aaminsan tahay.

Warqad weyn oo ay adag tahay in la il-duufo ayaa gidaarka dibedda ee xafiiskeeda ku dhejisan, waxaana ku qoran “Dumarnimadu ka badan inta bayoolojiga ah”.

Waa hooyo 44 jir ah oo leh toddoba carruur ah, waxaanay safka hore kaga jirtaa dedaallada baadigoobka xuquuqda haweenka ee Somaliland, waana shaqo ay caan ku tahay in ka badan toban sanno.

“Somaliland horumar ayay ka samaysay dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga sannadihii la soo dhaafay, laakiin wali fari kama qodna xuquuqda haweenka” ayay tidhi Nafiisa.

Nafiisa hadda waa Agaasimaha Fulinta ee Nagaad oo ah dallad midaysa 46 ururrada haweenka ah oo ku baahsan Somailand. Waxay xilkan haysa tobankii sanno ee u dambeeyey.

“Waxan ahay qofka ugu horreeya ee xafiiska yimaad uguna dambeeya rawaxaadda, maadaama ay i saaran yihiin masuuliyado ka badan inta shaqaalaha kale saaran. Sidoo kale, waxaan rabaa in aan noqdo tusaale ay shaqaaluhu ku daydaan” ayay tidhi Nafiisa iyadoo ka hadlaysay jadwalkeeda shaqada kaas oo bilaabma 7.00da subaxnimo maalin walba.

Nafiisa waxay 1976kii ku dhalatay Hargeysa, waxbarashadeedii aasaasiga ahayd waxay ku dhamaystay Hargeysa, sidoo kale waxay shahaadadda master-ta ku qaatay Iskaashiga Caalamiga ah iyo Gargaarka Aadaminimada, waxayna ka qaadatay Jaamacadda KALU Institute ee ku taalla Spain.

Nafiisa waxa ku dhiirigeliyey u doodista xuquuqda haweenka iyadoo bilawgii nolosheedaba ay u muuqatay in haweenka Somaliland aanay si caddaalad ah u helin xuquuqahooda kala duwan sida xuquuqaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Sidoo kale, Nafisa waxay u soo joogtay tacaddiyo dumarka lagula kaco oo uu ka mid yahay gudniinka gabdhuhu.

“Waxaan is tusay in wax laga qaban karo xuquuqda haweenka. Sidii uu yidhi Mahatma Gandhi, waxan go’aansaday in aan qayb ka noqdo is beddelka aan doonayo in aan ku arko Somaliland” ayay tidhi.

Marka la eego Qiyaastii Tirada Dadka ee ay samaysay UNFPA 2014kii, tirada dadka Somaliland waxay ahayd 3.6, sannadkan ina dhaafay ee 2020 waxa lagu qiimeeyey tirade Somaliland 4.2 milyan oo qof, iyadoo dadka badankiisuna ay ku nool yihiin magaalooyinka. Haweenku waxay tirada guud ee Somaliland ka yihiin 50%.

Metelaadda Siyaasadda

Nafiisa waxay hadda waajahaysaa laba caqabadood: sidii ay haweenku u heli lahaan metelaad siyaasadeed iyo sidii aan loo ansixiyeen Xeerka Kufsiga, Sinada iyo Xadgudubyada la Xidhiidha.

Bishii September 2020, waxay hor kacday mudaharaad lagu diidanaa sharci ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland kaas oo laga saaray kootadii loo qoondeeyey haweenka ee baarlamaanka.

“Waxa suurtagal ah in aan haweenku metelaad ku yeelan baarlamaanka Somaliland, taasina wax la aqbali karo maaha. Dumarka tiradoodu way ka badan tahay 50% dadweynaha Somaliland, sidaa daraadeed waa in ay helaan xuquuqdooda siyaasadeed” ayay tidhi Nafiisa iyadoo raacisay in ciddii ugu badnayd ee u codaysay ragga maanta fadhiya baarlamaanku ay ahaayeen haweenka. Haweenku hadda hal xildhibaan ayay ku leeyihiin Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 xildhibaan.

“Halkii ay uga dagaalami lahaayeen xuquuqda haweenka, waxay noogu abaal gudeen in ay kootadii haweenka Xeerka ka tuuraan ayay tidhi Nafiisa. “Ma dhici doonto in aanu mar dambe u codayno ragga indhaha ka qarsada xuquuqda siyaasadeed ee haweenka”

Xeerka Xadgudubyada Galmada

25kii August 2020, xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Somaliland waxay ansixiyey xeer cusub oo loo yaqaan “Xeerka Kufsiga, Sinada iyo Xadgudubyada la Xidhiidha”. Ansixinta xeerkaa waxa si weyn loogu arkay dib-u-dhac ku yimid xuquuqdii haweenka.

Xeerkan lagu muransan yahay wuxu carruurta ku qeexayaa wixii ka yar 15 jir, wuxu oggolaanayaa in waalidka ama ciddii kale ee masuul ahi ay u guurin karto dadka maskaxdoodu dhiman tahay ama carruurta ee ay masuulka ka yihiin, faldambiyeedyada qaar wuxu ku qeexayaa sixir taas oo qofkii lagu helo ciqaabtiisu noqonayso dil.

Wuxu xeerku meesha ka saaray qodobo muhiim ah oo ku jiray xeerkii hore, waxaana ka mid ah qeexitaannada dhammaan noocyada xadgudubyada ku salaysan jinsiga, adeegsiga caddaymaha shaybaadhada marka uu kufsi dhaco iyo mamnuucidda guurka khasabka ah iyo guurka carruurta.

Xeerkan cusubi wuxu beddeli doonaa Xeerkii Kufsiga iyo Xadgudubyada la Xidhiidha Galmada- xeerkaas oo ay Dalladda Isku-xidhka Haweenka ee Nagaad iyo ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland ka soo shaqaynayeen muddo sideed sanno ah, iyagoo taageero ka helayey UNFPA.

Inkastoo uu Aqalka Hoose ansixiyey, haddana Xeerku wuxu u gudbi doonaa oo codka u qaadi doona Aqalka Sare “Guurtida”, kadibna waxa saxeexi doona Madaxweynaha, markaas ayuu dhaqangal noqon doonaa.

“Waxaanu abaabulaynaa ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland si looga hor tago Xeerkan. Wax dedaal ah la hadhi mayno si aanu ugu qancino Guurtida in aanay ansixin” ayay tidhi Nafiisa.

Waxay intaa raacisay “Sharcigan looma samayn si furan, laga wada qaybqaatay oo dimuqraadi ah. Dood ay dadweynuhu ka qaybqaateen lagama yeelan, haweenka iyo garyaqaanada midna lagalama tashan. Wuxu iska ahaa fikrado ay qoreen kooxo gaar ahi. Nasiibdarro, waxa degdeg loogu gudbiyey Golaha Wakiillada kuwaas oo iyaguna markiiba saxeexay iyagoo aan dood culus ka yeelan sidii caadadu ahaan jirtay”.

Xeerkii hore

Xeerkii hore- oo loo yaqaanay Xeer Lambar 78/2018- wuxu guul u ahaa Dalladda Haweenka ee Nagaad iyo saaxiibbada horumarka kala shaqeeya. Sannada badan oo ololayn iyo wada-tashi ah kadib, Golaha Wasiirrada ee Somaliland ayaa Xeerka ansixiyey, waxayna u gudbiyeen Goleyaasha Baarlamaanka, kuwaas oo markii ay ansixiyeen uu Madaxweynuhuna sharci ahaan u saxeexay sannadkii 2018kii.

Dad badan oo reer Somaliland ah iyo beesha caalamkuba waxay ku ammaaneen in uu yahay xeer faahfaahsan, dhammaystiran, si wanaagsanna wax uga qabanaya xadgudubyada ku salaysan jinsiga, gaar ahaan dambiyada la xidhiidha galmada. Laakiin guushaasi wakhti dheer may sii waarin. Dad ka soo horjeestay Xeerka ayaa sababay in aan la dhigin maxkamadaha si loo fuliyo.

“Waxa jiray dad badan oo aan ku faraxsanayn Xeer Lam. 78/2018. Sidaas daraadeed waxay abuureen borobogaandho odhanaysa xeerku wuxu dhiirigelinayaa in raggu ragga guursado, haweenkuna haweenka guursadaan, taas oo aan gebi ahaanba run ahayn” ayay tidhi.

“Ayaan-darradu maaha oo kali ah in xeerkii aan muddada dheer ka soo shaqaynaynay la beddeli doono, hase ahaateen waxaanu ka niyad xun nahay xeerkan lagu magacaabay Kufsiga, Sinada iyo Xadgudubyada La Xidhiidha, kaas oo aan u arko in aanu waxba ka qabanayn xadgudubyada galmada ee lagula kaco haween iyo gabdhaha Somaliland. Taas ka-soo-horjeedkeeda, waxaban aaminsanahay in uu xeerkani uu si dadban u dhiirigelinayo kuwa dambiyadaa ku kaca.”

Daraasadda Qiimaynta Rabshadaha Dhallinyarada, taas oo ay samaysay, SONYO, ayaa lagu ogaaday in 16% hablaha ay da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 30 ay mar ka mid ah noloshooda la kulmaan kufsi.

Daraasad ay dhawaan samaysay xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, taas oo ay taageertay UNFPA, ayaa haweenkii lagu waraystay in ka badan 70% waxay tibaaxeen in noocyada tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee guryaha dhexdooda ka dhaca ay isugu jiraan gacan-ka-hadal, waxbarashada oo loo diido, guur lagu khasbo, kufsi iyo tacadi galmo.

Sidoo kale waxay daraasaddu sheegtay in haweenka waxbarashadoodu sarrayso ay u badan tahay in ay qiraan tacaydiyadda guriga kaga dhaca marka loo barbar dhigo haweenka heerka waxbarashadoodu hoosayso.

Sidoo kale, 12% haweenka da’doodu u dhaxayso 15-49 ayaa sheegay in ay la kulmeen tacadiyo jidheed laga soo bilaabo markii ay ahaayeen 12 jir, iyadoo boqolkiiba lix ka mid ah haweenku ay sheegeen in ay tacadiyo jidheed la kulmeen 12kii bilood ee ka horreeyey wakhtigii daraasadda la sameeyey.  Gudniinka gabdhaha ayaa Somaliland lagaga dhaqmayey tobannaan sanno. UNFPA waxay daraasadda ku ogaatay in tirada haween ah ee lagu sameeyey gudniinka ee da’doodu u dhaxayso 15- 49 ay sarrayso isla markaana gaadhayso 98%.

“Waxaba dhaanta in aan xeerba jirin haddii ay noqonayso in la fuliyo Xeerka Kufsiga, Sinada iyo Xadgudubyada La Xidhiidha. Waxaanu arkaynaa in aanu wax ka qaban karayn xadgudubyada la xidhiidha galmada. Waxa loo baahan yahay xeer intan ka ballaadhan kana wax-ku-oolsan” ayay tidhi Nafiisa. “In xeerkayagii la socodsiin waayo waxay nagu ahayd dhib-u-dhac iyo niyadjab, hase ahaatee waanu wadaynaa dedaalka mana nasanayno ilaa aanu hubinayno in ay jiraan xeerar ku filan oo haweenka ka difaaci kara xadgudubyada lagula kaco isla markaana siin kara dhammaan xuquuqaha ay u qalmaan.”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR