Natiijo: Spain oo Xasuuqday Wales, Portugal oo ka adkaatay Poland iyo Argentina oo guul ka gaartay Iraq.

Kulamo katirsan tartanka UEFA Nations league ayaa caawa la ciyaaray inkastoo xulalka waaweyn dhamaantooda ay adkaadeen.

Xulka Portugal ayaa la ciyaaray dhigiisa Poland ciyaar xiiso laheeyd waxaana ciyaartaasi ay ku dhamaatay  3 gool iyo 2 gool.

Goolka guusha Xulka Portugal waxaa  u ansixiyay Ciyaaryahanka kooxda Manchester city Bernardo Silva.

Dhanka kale xulka spain ayaa Xasuuqay qaranka wales ciyaar xiddig sare uu ka ahaa Laacibka Dortmund Paco Alcacer.

Macalinka hogaamiya La roja ayaa weerarka ku aaminay paco xilli labo jeer shabaqa uu gaaray ciyaar ku dhamaatay 4 gool iyo 1.

Kulan saaxiibtinimo ayaa dhexmaray xulalka Iraq iyo Argentina ciyaar ku dhamaatay 4 gool iyo 0.

Argentina waxeey goolasha ka heshay Lautaro Martinez , Pazella , Roberto Pareyra iyo Cervi.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR